• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Daawo Muuqaalada Qurxoon Ee U Diyaargarowga Ciidul Fidrida Iyo Suuqyada Waawayn Ee Magaalada Boorama


Boorama-(giriyaadnews) Diyaar garowga ciidul fidrida ayaa si xoog leh looga dareemayaa suuqyada waawayn ee magaalada Borama,iyada oo ay sanadkan jirto duruuf adag ooxaga dhaqaalaha ayaanan hadana waxa saamayn ah ku yeelan kala iibsiga iyo wax iibsiga alaabaha ciida ,sida dharka, kabaha , alaabta guryaha lagu sharaxdo iyo qalaanqiisha caruurta.” 

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

 

undefined

undefined

undefined

 

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

Short URL: http://booramaonline.com/?p=906

Daawo Muuqaalada Qurxoon Ee U Diyaargarowga Ciidul Fidrida Iyo Suuqyada Waawayn Ee Magaalada Boorama


 

jaabiryare1@gmail.com

undefined

 

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

 

undefined

 

Liiska Xildhibaanada Dhaxalka Ku Soo Galay Guurtida, Odayaashii Ruug-Cadaayada Ahaa Ee Beeluhu Soo Xuleen Iyo Mid Kasta Ninka Kursigiisii Ku Fadhiya


Golaha Guurtida Somaliland oo aanu idiinku soo bandhignay Arbacadii  todobaadkii hore xubnaha ka nool odayashii beelaha Somaliland ay kusoo xudheen shirweynihii beelaha ee lagu qabtay 1993-kii magaalada Boorama ee gobolka Awdal,

ayaa waxaanu maantana idiin soo gudbin doonaa, xubnaha dhaxalka ku soo galay golaha guurtida muddadii ka dambaysay shirweynihii 1997-kii lagu qabtay hoolka shirar ee hay’ada shaqaalaha dawlada ee Hargeysa oo golaha guurtida ee beeluhu ay maanta ku soo xusheen, kuwaas oo xubnaha kuraasidoodii buuxiyay odayaashii gadh-cadaaga ahaa ee guurtida ee geriyooday ay badankoodu yihiin wiilal ay dhaleen iyo xubno ay walaalo ahaayeen, taas oo ay meesha ka baxday kuraasidii habka guud ee beelaha loogu saami qaybsaday, islamarkaana dhaxal isku rogay.

 

Hadaynu ku horayno xubnaha ka geeriyooday guurtida ee wiilashii ay dhaleen ay kuraastoodii dhaxleen ayaa waxa ka mid ah:-

1Marxuum Suldaan C/raxmaan sheikh Muxumed oo ka mid ahaa odayaashii Guurtida ee 1993-kii lagu soo xulay Boorama waxa kursigiisii dhaxlay wiilkiisa Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan, oo ka mid ah mudanayaasha guurtida 2. Marxuum Maxamed Gaaxnuug Boosh Cade oo ka mid ahaa xubnihii beesha Bali-gubadle waxa kurigiisii dhaxlay wiilkiisa C/casiis Maxamed Gaaxnuug 3. Marxuum Ismaaciil Qardhab oo ka mid ahaa xubnaha beesha Baligubadle, waxa kurisiigiisii ka dhaxlay Khadar Ismaaciil Qardhab 4. marxuum Faarax Axmed Diiriye oo ka md ahaa xubnaha beesha Baligubadle waxa kurigiisii dhaxlay Md Jaamac Faarax (Riyo) oo uu dhalay.

5. Mrxuum Ismaaciil Cabdi (Quulle) oo ka mid ahaa xubnaha beesha Baligubadle waxa dhaxal ugu fadhiya kurigiisii C/raxmaan Ismaaciil Quulle

6. Mrxuum Xasan Axmed Faarax Rooble oo ka mid ahaa xubnihii beesha Saaxil ee 1993kii Boorama lagu soo xulay waaxa kursigiisii dhaxlay Dayib Xasan Faarax 7. Marxuum Axmed Jaamac Faarax oo ka mid ahaa xubnihii beesha Saaxil waxa kurigiisii ka dhaxlay wiilkiia Mubarik Axmed Jaamac.

8. Marxuum Cismaan Dawiil oo ka mid ahaa xubnihii beesha Bariga burco ee lagu soo xulay 93-kii Boorama waxaa kursigiisii fadhiya wiil uu dhalay Cawil Cismaan Dawiil. 9. Marxuum C/raxmaan Maxamed oo ka mid ahaa beesha woqooyiga iyo galbeedka Hargeysa waxa kursigiisii ka dhaxlay Maxamed C/raxmaan oo uu dhaslay.

10. Marxuum Siciid Maxamed oo ka mid ahaa xubnhii beesha Daami waxa kursigiisii dhaxlay Jirde Siciid oo uu dhalay.

11. Mrxuum Suldaan Maxamed Nuur Guray oo ahaa xubnhii beesha Awdal waxa kursigiisii dhaxal ugu fadhiya Jaamac Guray 12. Marxuum Nuur Sugaal oo ka mid ahaa xubnihii beesha Saylac waxa kursigiisii dhaxlay Maxmed Nuur Sugaal 13. Marxuum Haybe Xuseen Furre oo ka mif ahaa xubnihii beesha Lafo-islaamood waxa dhaxlay wiilkiisa C/risaaq Haybe Xuseen 14. Marxuum Xuseen Sahal oo ka mid ahaa xubnihii beesha bariga Burco waxa kursigiisii dhaxlay Khadar Xuseen Sahal 15. Marxuum Maxamed Cabdi Shide oo ka mid aha xubnihii beesha bariga sanaag waxaa kursigiisii fadhiya Axmed Maxamed Cabdi oo uu dhalay.

16. Marxuum Maxamed Cismaan Guuleed (laangadhe Libaaxo) oo ka mid ahaa xubnihii beesha Salaxlay waxa kursigiisii dhaxashay afadiisii marwo Faadumo Ileeye 17.gudoomiyihii hore ee guurtida marxuum Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sh. Madar, waxa dhaxlay walaalkii C/raxmaan Sheekh yuusuf Sheekh Madar 18. Marxuum Cumar Cali Axmed (Cali dheere) oo ka mid ahaa xubnhii beesha Sool waxa dhaxlay walaalkii Xasan Cumar Axmed 19. marxuum Maxamed Xamari oo ka mid ahaa xubnhii beesha Sool kursigiisii waxa dhaxlay walaalkii Muuse Xamari 20. marxuum C/llaahi Garas oo ka mid ahaa xubnhii beesha Saaxil waxa kursigiisii dhaxlay walaalkii Saleebaan Garas Seed 21. Marxuum Maxamed Xuseen Huruuse oo ka mid aha xubnihii beesha bariga sanaag waxa dhaxlay kursigiisii walaalkii Siciid Xuseen Huruuse 22. Marxuum Xuseen Cali Jaamac oo ka mid ahaa xubnihii beesha bariga Burco waxa kursigiisii dhaxlay Sahar Iidle oo uu dhalay 23. marxuum Sheekh Muuse Goodaad oo ka mid ahaa xubnihii Awdal ee lagu soo xulay 93 Boorama waxa kursigiisii dhaxlay Daahir Cali Jaamac oo uu adeer u ahaa.

24. Marxuum Cali Ogaal oo ka mid ahaa xubnihii beesha bariga Burco, waxaa kursigiisii dhaxlay Axmed Dirir Cali 25. Sheekh C/llaahi Cali Jawhar oo isagu iska casilay xubinimadii golahaasi oo ka mid ahaa xubnhii Awdal, islamarkaan wakhtigan xaadirka ah nool waxa kursigiisii buuxiyay C/wahaab Sheekh Cali Jawhar 26. marxuum Maxamed Siciid Dhiif oo ka mid ahaa xubnihii bariga Sanaag waxa kursigiisii dhaxlay Siciid Cali Nuux oo ay isku Jifo yihiin.

27. Marxuum Maxamed Yuusuf oo ka mid ahaa xubnihii Sool waxaa kursigiisii buuxiyay Xirsi Ciise Jaamac oo ay siku jifo yihiin.

28. marxuum Xaaji Nuur Yasir oo ka mid ahaa xubnihii galbeedka Burco waxa dhaxlay Siciid C/llaahi Yasir 29. Marxuum Cabdi Faarax oo ka mid ahaa xubnihii Buuhoodle waxa kursigiisii dhaxlay wiil uu dhalay C/raxmaan Cabdi Faarax 30. Maxamed Diiriye oo ka mid ahaa xubnihii beesha bariga Burco ayaa isaguna kursigiisa uga tanaasulay gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan 31.Cali Cabdi Ducaale oo ka mid ahaa xubnihii beesha bariga sanaag, oo isaga xasaanadii xubinimada goluhu ka qaaday waxaa kursigiisii buuxiyay walaalkii Ismaaciil Cabdi Ducaale 32. Marxuum C/salaam Maxamed Siciid oo ka mid ahaa xubnihii beesha bariga sanaag waxa kursigiisii dhaxlay walaalkii C/casiis Maxamed Siciid 33. marxum Cali Qamar oo ka mid ahaa xubnihii beesha Buuhoodle waxa kursigiisii dhaxlay Cismaan Cali Mijo qariye oo ay isku jifo ahaayeen.

34. Maxamed Cabdi Dhoore oo ka mid ahaa xubin sharafeedyada waxa kursigiisii dhaxlay wiilkiisa Axmed Maxamed Afay.

35. marxuum Cumar Faarax Budeeeye oo ka mid ahaa xubnihii beesha Sool oo dhawaan geeriyooday iyo marxuum Yuusuf Sheekh Axmed Nuur Ugaaska oo ka mid ahaa xubnaha Awdal ayaan iyagu ilaa hada labadoodii kursi la dhaxlin, islamarkaana ay yihiin kuraastoodii dhaxal sugayaal

 

Haatuf