• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

WASIIRADA ARIMAHA DIBADA IYO MADAXTOOYADA OO ISKU DHACAY XILI AY SAFAR KU JIRAAN


Hargysa,(garbodadartimes)- Wasiirka arimaha dibada Mohamed Abdillahi Cumar iyo wasiirka madaxtooyada Somaliland ayaa ay wararku sheegayaan in uu soo kala dhex galay khilaaf iyo hadalada oo ka taag taagmay kadib markii waftigii uu hogaaminaayay madaxweyne Siilaanyo ay ku banjareen magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya oo ay ahayd in ay ka baxaan habayn hore sidii uu jadwalkoodu uu ahaa.

Khilaafkan labada wasiir u dhaxeeya ayaa ka dhashay kadib markii dhamaan shirkadihii diyaaradaha ee u goosha dalka Shiinhu  ay madaxweynaha ku xidheen in uu sito dal ku galka Shiinaha, taasi oo aanu madaxweynahu aanu sidanin markii uu ka soo amba baxay magaalada Hargysa.

Shirkadaha diyaaradaha ayaa wasiirkla arimaja dibgadu uu kula dooday in ay sitaan casuumad uga timid shirkado dalka Shiinaha laga leeyahay, warqadaasi oo uu sheegay in khadka Internetka loo soo mariyay, taasi oo ay shirkadaha diyaaradahu ay aqbali waayeen una sheegeen in dalka Shiinuhu uu ganaaxaayo lacag ka badan Konton kun oo doolar halkii qof ee ay shirkaduhu ku soo qaadaan sharci laan.

Wararkale ayaa sheegaaya in waftiga madaxweynahu ay dal ku galis ka dalbadeen safaarada shiinaha ee ku taala  dalka Itoobiya, oo ay sugayaan jawaab deg deg ah oo xagaasi ka sii qaadaan ambaqaadkooda oo ay ka baxaan magaalada Addis Ababa, warar kale ayaa sheegaaya in wasiirada oo uu hogaamin doono wasiirka madaxtooyada iyo arimaha dibadu ay u baxi doonaan dalka Shiinaha xaga wararkale ay sheegayaan in madaxweyne Siilaanyo uu amba bixi doono dalka Ingriiska.

Wasiirka arimaha dibada ayaa lagu dhaliilayaa in uu ka danbeeyo dib u dhacani ku yimid safarka madaxweynaha iyo mashaqadan haysta waftiga madaxweynaha, sidoo kale wasiirkani ayaa ku guul darystay in uu dhabo cad u jeexo siyaasada wasaarada arimaha dibada ee Somaliland oo maraysa heerkii ugu hooseeyay ee ay abid soo marto, tan iyo intii lagu dhawaaqay gooni isu taaga Somaliland  garbodadartimes  waftiga somaliland

xigasho garbodadartimes

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: