• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Cadceed.com oo jawaab kulul ka bixisay eedayn Harowo.com ay u soo jeedisay labada shabakadood ee kala ah Lughaya.com iyo Cadceed.com


Maqaal dhaleecayn ah oo ku waajahan shabakadaha Cadceed News iyo Lughaya News ayaa ku soo baxay shabakada Harowo, maqaalkaas oo ka turjumaya aragtida gaaban ee tafatiraha

shabakadaas. Maqaalkaas dhaleecaynta ah, qoruhu wuxuu Cadceed News iyo Lughaya kula dul kufay aragti qaloocan isagoo ku eedaynaaya inay ka been abuureen Shirkii Madaxdhaqameedyada ee bishan sideedeedii lagu qabtay Boorama ee lagaga hadlaayay arrimo khuseeya Ugaaska.

Cadceed News waxay faafisay wararka ka soo baxay shirkaas. Nasiib daro, Harowo waxuu u turjuntay warka Cadceed mid ah fikir shabakada ah. Waa nasiib daro inShabakada Horowo kala garan waydo qaybaha dhambaalda saxaafadu u kala baxdo. Haduu taas garan lahaa kama faaloodeen wararka ay faafisay Cadceed News oo dhamaantood ahaa dhacdooyin ( Facts) dadweynaha laga wargalinaayo oon marnaba ahayn fikir ama faalo ka turjumaysa dariiqada siyaasadeed ee Shabakada.

Waxaa is waydiin mudan dulucda maqaalka Harowo. Maqal iyo muuqaal wax lagu hayo inuu u badheedho inuu muran ka keeno waxay ku tusaysaa Harowo inay ka fogaatay qiyaasta toosan ee aadamuhu wax ku kalo saaro.

Cidna kama qarsoona in Horowo ku caan baxday faafinta qoraalada xambaarsan xajiin saxaafadu ka nadiif tahay. Harowo.com oo la ogsoon yahay inay ku takhasustay dhaqanada saxaafada ka xaaraanta ah, aflagaaada uu Cadceed News kula dul kufayna waa mid ay dadweynuhu ka garnaqi karaan, iyagaanan u dhaafayaa balse aan hoos ugu foorarsano wuxuu ka jidhiidhicooday tafatiraha Harowo.com.

Maqaalkiisa wuxuu ku sheegay in Cadceed News iyo Lughaya ka been abuureen hadaladii madax-dhaqameedku ka jeediyeen shirka. Waxaa is weydiin leh maqal iyo muqaal wixii lagu arkay ee si toos ah looga soo duubay wuxuu ku beenaynaayo ee cadayn ah.

Malaha hadalkiisu wuxuu damacsanaa inuu yidhaa Cadceednews maxay u sii daysay hadalada Salaadiinta iska riixday taladii loogu yeedhay. Hadduu saluugay hadaladii cadcadaa ee Salaadiinta, macnaheedu maaha in hadaladoodii laga been abuuray.

Harowo laba saddex gaf oo isdabayaal ayuu galay.

1) Wuxuu ku gafay saxaafada nadiifta ah ee war sugan soo bandhigtay
2) Wuxuu ku gafay Salaadiintii madasha ka hadashay oo toos hadalkoodii loo sii daayay waxna laga badalin.
3) Wuxuu ku gafay caqliga saliimka ah ee dadweynaha oo indhahooga ku arkay, dhagahoogana ku maqalay wixii shirka ka dhacay.

Saxaafadu waxay u taagan tahay inay sida ugu haboon xaqiiqooyinka ay hayso ka run sheegto, balse saxaafadu maaha meel loo adeegsado faafinta aragtidaada oo qudha ama faafinta maqaalo naxli leh oo ka fog siyaasada u dajisan Cadceed News. Harowo oo aan ka daalin maqaalada tayada daran ee bushada ku abuura jahawareer, xumaan iyo qabyaaladu ma haboona inuu dhaqankaas foosha xun kula galgasho shabakadaha ceeb ka saliinka ah. Xaqiiqadu sidaad is mooday maahee waa sida akhristeyaashu kuu arkaan.

xigasho bakipress.com   giriyaadnews

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: