• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

FARAQA U DHEXEEYA NIDAAMKA XUKUMADII DAHIR RAYALE DIBADAHA UGU SAFRI JIRTEY IYO DHIBTA HAYSATA SILAANYO


Diridhaba(garbotimes) Halkaad cagaha saarilahayd waa intood la seegtee haka dhicin salaanada qaar lagu sigtaa jira ee… garbotimes ayaa heshay warar sheegaya in xafiiska socdaalka dalka Itoobiya uu la yaabay nimaadka qaldan ee ay fiisaha ku raadinayeen Axmed Silaanyo iyo waftiga uu horkacayey oo usii jeeday dalka Shiinaha.

Waftigan isagoon wax ogolaansho ka haysan Itoobiya ayuu diyaarad khaas ah ka kaxaystey Madaarka Hargeysa dabadeed markay diyaaradu hawada marayso ayey la hadleen wasaarada hawada iyo isgaadhsiinta dalka Itoobiya si ay ugu wargeliyaan in diyaarada ay wataani kasoo degi karto madaarka Addis!!. Arintani Itoobiya waxay ku noqotey fajac iyo yaab!! .

Itoobiya waxay diiday in diyaarada waftigu la socday kasoo degto madaarka Addis waxayna waftiga kula taliyeen inay Diridhaba ka degaan inta la helayo waqti munaasiba oo ay diyaaradu ku timaad Madaarka Caalamiga ah ee Addis Ababa.

Sadex casho ayuu waftiga Silaanyo horkacyey ku banjareen Diribadha dadka reer Diridhaba oo arinkan ka warhelay waxay la yaabeen nidaam xumada haysata waftiga Silaanyo waxayna sheekadu noqotey mid majlis walba lagu hadal hayo.

Intay joogeen dhiridaba waxa kale oo dhacday in waftigu tashado isna weydiiyo wixii xal ah  hadii visaha dalka Shiinuhu ku noqdo sidii horeyba loogu diiday visaha dalka Maraykanka.

Silaanyo isagu waa talo suge intaa waxa u raacsan inayna wax dhib ahiba ku hayn sugitaanka visaha iyo hudheeladan lagu sugan yahay waayo khibradan waxa uu ka helay waayadii uu ururka SNM gudoomiyaha u ahaa visaha dibadu uu uga bixi jirey dalka Itoobiya waxay ku qaadan jirtey sanado markaa wuxuuba u muuqdaa garab rarato visaha dibada sugaya !!! markaa sheekada waxa hogaaminayey Oday xirsi waxaanu yidhi “Marhadii baasaboorkii Somaliya aanu diidnay inaan dibada ku tagno kii Somaliland aanu aduunka ka socon dee waa in la helaa xalkale … Imisa ayaa haysata baasabooro wadamo kale ? isagoo farta taagaya ayuu yidhi “ Anigu waxaan haystaa Baasaboorka dalka Ingiriiska waxase ku qoran magac kale oo ah Khaalid Maxamed Jaamac.. magacan waxaan ka iibsaday wiil reer cadmeed ah oo u dhashay dalka Yemen .. Haye idinkuna farta taaga cidii baasaboor kale hasataay”

Wasiirka Beeraha Prof Farax Cilmi Geedoole oo qaba Xirsi Xaaji Cali Xasan inaadeertii ina Axmed Xaaji Xasan ayaa gacanta taagay isagoo leh anigu dhawaan ayuu Badhasaabka gobolka Jijiga oo aanu xigto nahay isiiyey Basaboorka dalka Itoobiya lakiin wali kuma aan socdaalin waanu madhan yahay .

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Mohamed Abdillahi Omar (Bajaaj) ayaa ka mida wafdiga ,wuxuuna watay baasaboor Dutch (Holland)
Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Mohamed Bajaaj oo ku dhashay Magaaladda Baydhabo ee gobolka Bay wuxuu ka dhashay juffadda Bah Habar Aadan ee Jabriil Abokar taas oo la sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo aaminsan yahay in bah Habar Aadan ka soo jeedo jufadda Siilaanyo ee Aadan Madoobe.

Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland Xuseen Cali Ducale (Xuseen Gurey) oo watay baasaboor Mareykana ayaa ugu yara facfac badnaa hadaladiisana wax ka mid ahaa maalinbaan ku helaynaa visaha dalka Shiinaha ee walaaca inaga daaya.

Marka laga reebo odayga ruug cadaadiga ah ee Silaanyo oo isagu maxaa talo ah ay kaga dhegtey waxa kale oo waftiga weheliyey Wiil Xersi Xaaji Cali Ina adeertii dhashay oo ah xogheynta gaarka ,lagana soo kaxeeyay Dalka Hindiya ayaa ka mida wafdiga ka qeybgali doono halka lagu kala saxiixanaa heshiiska.
Wiil qaba gabadha Madaxweyne Siilaanyo oo lagu magacaabo Baashe Cawil Cabdi Cumar ayaa ka mida wafdiga la socda Siilaanyo.
Maareeyaha cusub ee Dekadda Berbera Axmed Yusuf Dirir waxaa u abtiya Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xersi Xaaji Cali halka Gudoomiyaha gobolka Saaxil Maxamud Cali Saleebaan (Ramaax) uu qabo gabadh uu Saleebaan Gaalka guurtida u yahay adeer oo ah Ina Cali Ubaxle, lana dhalatay Wasiirkii Warshadaha Axmed Cali Ubaxle Intuba waxay ahaayeen caqabada kobaad ee socdaalka waftiga hakadka gelisay waayo baasaboorka somaliya mooyaane ma ayna haysan wax kale oo (backup) ah ama kayd ah.

Waftigan oo sida aad aragtaan ah qoys , xigto iyo gacal walaaloobay (Family Re-union)waxay garab mareen nidaamkii caalamiga ahaa iyo xushmadii ay u socdaali jireen wufuudii ka horeysay ee dawladii Al- Dahir Rayale Kahin oo sidaad ogeydeen aanay marnaba socdaalkooda hor iman caqabado nuucan ahi isla markaana visaha loo keeni jirey iyagoo ku sugan madaxtooyada dalka Itoobiya iyo ta Jabuuti.

Isu soo wada duuboo sadex casho iyo waliba dhiidhii markay wafta silaanyo marna ku qayileen Dhiridhaba marna Addis ugu danbayntii dawlada Shiinihu waxay siisey Travel Documents ilaahay looga yaabay oo lagu socdaali karo halmar oo kaliya iyo noqosho kaliya baasabooradii ajaniba ahaana waxa la yidhi jeebka ku haysta wafti soomaaliya ka socda ayaanu idinku siine .

Sidaas ayey socdaalkoodii ugu baxeen dalka Shiinaha waxase is weydiin leh mar haduu socdaalkiiba ku adkaaday sideebay dawlada shiinaha heshiisyo horumarineed iyo maalgashi ugu qancin karaan ?  garbodadartimes

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: