• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Kulanadii Qaban Qaabada Soo dhaweynta Ugaaska Gadabuursi ee Borama oo gabagaba Maraya


giriyaadnewss(Borama) 13 Aug.11– Kulanadii qabanqaabada soo dhaweynta Ugaaska Gadabuursi Ugaas C/rashiid Ugaas Rooble ee ka socday magaalada Boorama ayaa laga gaadhay is-afgarad, isla markaana maraysa meel gabagabo ah, Duqayda iyo waxgaradka beelaha gadabuursi ayaa habeenadanba waxay kulano uga socdeen Guriga Vila-Nuriye ee Xaafada Sh.cali Jowhar ee magaalada Boorama.

Ilo ku dhawdhaw kulanadaas ayaa u sheegay caawa shabakada giriyaadnews in kulan dhexmaray beelaha Makaahiil iyo H/cafaan ay isku raaceen in la dhiso gudidii qabanqaabada soo dhaweynta Ugaas iyo in soo dhawenta ka dib la saaro Gudi samaysa xeerkii beelaha gadabuursi u dhaxayn lahaa, Sidoo kalana waxaa kulamo hore u yeeshay Beelaha Makaahiil iyo M/case oo isku raacay in go’ankoodu yahay waxa ka soo baxa shirka dambe ee labada beelood, shirarkaas oo ay gogosha fidiyeen Waxgaradka iyo duqayda Beelaha Makaahiil,wararka ayaa intaas ku daraya in beelaha gadabuursi ay kulankooda dambe ku soo saari doonaan gudiyada Abaabulka Hawlahaas oo dhan.

Ugaas C/rashiid Ugaas rooble ayaa isagu ku sugan caasimada Kililka 5aad ee jigjiga, halkaas oo Ugaasku kulano la yeeshay madaxda heer kilil iyo waxgaradka kale ee beelaha Soomaaliyeed iyo Beesha gaduursi ee uu Ugaaska u yahay, Ugaaska ayaa inta aanu soo gaadhin magaalada Boorama, ku soo horayn doona deegaamada beelaha gadabuursi ee hoos yimaad Kililka 5 aad ee Ethoipia, socdaalkaas oo ay Ugaaska ku wehelinayaan Guurti iyo Aqoonyahan Gadabuursi oo degen deegaanka Kililka 5 aad.

Si kastaba ha ahaatee waxaa magaalada Boorama aad looga hadal hayaa imaatinka Ugaas C/rashiid Ugaas rooble, taas oo dadku aad isku weydiinaayn goorta uu iman doono  giriyaadnews boorama

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: