Ka dib war aan sal iyo raad toona lahayn oo lagu faafiyay shabakada Awdalpress, waxaan xidhiidh la samaynay Hogaanka guud ee Beelaha Habar Cafaan Suldaan C/raxmaan Jamac Dhawal iyo xubno ka mid ah ergada kulanka ka qaybgashay oo dhamaantood iska fogeeyay warka beenta ah ee Shabakadaasi daabacday.
Warkaas beenta ahaa wuxuu daba socday kulan ay ergo Habar Cafaan ahi la yeelatay koox u olalaynaysay in Ugaas ahaan lagu soo dhaweeyo Abdirashiid Rooble Doodi oo ku sugan Jigjiga, warkaas oo sheegay in kooxdaasi iyo Beelaha Habar Cafaan isku mawqif ka yihiin arrinta Ugaaska.
Sida ay noo xaqiijiyeen qaarkamida xubnaha ergada shirkaas ka qaybgashay ayaa sheegay in ergada Habar Cafaan u gudbisay kooxdaas mawqifka rasmiga ah ee Beelaha Habar Cafaan ee arrintaas ka khuseeya. Ergada Beelahani waxay kulankaas ka sheegeen markale Mawqufkii ku xusnaa Xeerkii Guud ee shirkii Barakaale ka soo baxay oo ahaa kii Suldaanka Guud ee Beelaha Habar Cafaan kaga dhawaaqay Shirkiii bishan sideedeedii ka qabsoomay Boorama.
Ergada Habar Cafaan ee laga been abuuray waxay goobta u tageen inay markale u bayaamiyaan nuxurka
qodobka 19aad, firqadiisa (J) ee Xeerka Beelaha Habar-cafaan oo u dhigan sidan:
Qodobka 19 (J) Nidaam Xeer oo Gadabuursiga dhex-mara, bulsho-weynta Beelaha Habar-Cafaan way soo dhowaynaysaa, qaybna way ka tahay, balse inta aanu kaasi jirin hab-dhaqankii hore u jirey ee guud oo la soo noolayn karaa ma jiro, mana ogola Bulsho-weynta Beelaha Habar-cafaan.
Kulanka Awdalpress wax ka sheegtay waa mid xaqiiqada ka fog, waxaana haboon in arimaha xaasaasiga ah laga ilaaliyo naxliga, mana qurux badna in dad karaamo leh oo Xeer leh laga been abuuro, Saxaafaduna waajibay ku tahay in ay ilaaliso anshaxa dhaqanka suuban.
Ilaahbaa Mahadle
Gudida Fulinta Iyo Ilaalinta Xeerarka Barakaale
giriyaadnews ,Borama, Somaliland
Filed under: Uncategorized |
U dhaaf Halcelis