• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Dawlado Afrikaana Oo Diiday In Ay Aqoonsadaan Somaliland


Pretoria:- (giriyaadnews) – Kulan Caalami Ah ee isugu yimaadeed Wasiiro Arimo Dibadeed ee ka kala socday Tanzania iyo Koonfur Africa ayaa maanta waxa uu ka dhacay Magaalada Pretoria ee xarunta dhexe ee dalka South Africa isla markaana ay ugu wada hadleen arimaha Soomaliya iyo Somaliland.

Labada Wasiir Dibadeed ayay si wadajir ah u sheegeen in aysan diyaar u ahayn in ay aqoonsadaan Somaliland, isla markaana ay u aqoonsan yihiin Gobol Soomaaliya ka mid ah oo nabdoon.

Wasiirka arrimaha dibada Tanzania Bernard Membe ayaa sheegey in 2 todobaad gudahood uu la kulmi doono wafti ka socda Somaliland, balse ma uusan faahfaahin waxa looga wadahadlayo.

Wasiiradda arrimaha dibada Koonfur Afrika Maite Nkoana-Mashabane ayaa tiri “inta aan ka ogahay xusuusteyda, Somaliland waa gobol Soomaaliya ka tirsan, ma dooneyno in aan dhiirogalino in wadamo ay kala qeybsamaan” ayay tiri wasiiradda.

Koonfur Afrika ayaa dhawaan martigalin doonta shir lacago loogu yaboohayo abaaraha Soomaaliya, Tanzania ayaa iyana dhawaan gargaar badan oo raashiin ah ugu yaboohday Soomaaliya mar uu dalkaasi booqasho ku tagay madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Kullanka labada wasiir ayaa sidoo kale looga wadahadlay arrimaha Soomaaliya iyo abaaraha ka jira, Tanzania waxa ay walwal gaar ah ka muujisey halista burcad badeeda.

wariye kobay ahmed  giriyaadnews

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: