• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Gudiga soo dhaweynta Ugaaska Gadabuursi oo la shaacin doono dhawaan


Borama(giriyaadnews)- Kulan dhex maray gudi isku dhaf ah oo ka kooban sadexda dhadhaar ee beelaha Gadabuuris ka kooban yahay  Makahiil, Maxamed Case iyo Habarcafaan ayaa ka dhacay magaalada Borama. Kulankan oo  marti loogu ahaa guriga  Ambasador Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye ee (Villa Nuuriye )  ee magaalada Borama ayaa waxa la  isla meel dhigay in gudiga qabanqaabada soo dhaweynta Ugaaska Beelaha Gadabuursi lagu dhawaaqo maalmaha inagu soo fooleh.

Gudigan oo ka koobnaan doona sadexda dhadhaar ee beelaha Gadabuursi ka kooban yahay waxa ay gudo gali doonaan sidii ay iskugu dubo ridi lahaayeen qorshaha soo dhaweynta Ugaska Beelaha Gadabuursi Ugaas Cabdirashid Ugaas Rooble Ugaas Doodi oo hadda ku sugan dalka Itoobiya.

Kulankan sadex geesood ee dhexmarayey beelaha Gadabuursi ayaa  waxa kale oo lagaga hadlay baadi goobka xeerkii Gadabuursigu isku dhaqi jirey oo nuqulkiisa laga helay guriga Ambasador Maxamed Sheekh  XasanNuuriye oo ay xigto yihiin Ugaaska Gadabuursi.

Waxa kale oo la filayaa in dibu eegid lagu sameeyo xeerka isla markaana Ugaaska loo diyaariyo dhisme xeer adag oo uu beelaha Gadabuursi ku hogaamiyo.

Suldanka Beelaha Habarcafaan Suldan Dhawal ayaa la sheegay inuu aad usoo dhaweeyey midnimada iyo wadajirka beelaha Gadabuursi waxaanu Suldaanku intaa ku daray inuu diyaar u yahay so dhaweynta Ugaaska .

Sidoo kale Saladiinta kale ee Beelaha Samaroon  ayaa iyaguna kulankan ku sheegay in is afgarad iyo wadatashigani uu yahay mid midho dhal ah isla markaana loo baahan yahay in Ugaaska si wadajir ah loo soo dhaweeyo.

Gudiga qabanqaabada soo dhaweynta Ugaas Cabdirashid Ugaas Rooble ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo maalmaha inagu soo fooleh .

Waxa kale oo ay giriyaadnews heshay in Ugaasku iman doono Borama bisha ramadaan ka dib.

giriyaadnews

Borama Somaliland

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: