• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Md.Siilaanyo iyo waftigiisii oo ku xanniban maadaarka Bijiin Iyo Buurmadow oo lagu qaabilay,daawo


Hargeysa, (giriyaadnews)- Waftigii uu hogaaminaayay madaxweynaha Somaliland ayaa ku xanniban madaarka Beijin ee caasimada dalka Shiinaha, wararka ka soo baxaya safarka madaxweynaha ayaa sheegaaya in socdaalka madaxweynaha ayna dawlada shiinahu ka war haynin isla markaasina madaxweynaha ku xanibay maadaarka madaxweynaha ayaa ku degay Hotel ku dhexyaala maadaarka magaalada Bijiin, taasi oo ay quud daraynayaan in ay gudaha magaalda galaan, wararka ayaa sheegaaya in shirkadii casuuntay ay maalintii uu balanku ahaa ay ku hungowday madaarka, taasi oo ku beegnayd habaynkii Siilaanyo iyo waftigiisa laga soo celiyay madaarka magaalada Addis Ababa sababa la xidhiidha arimaha sharcigooda, inkastoo oo warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyaduna uu sheegay in habaynkaasi la soo celiyay ay sababtu ahayd diyaaradii ay raaci lahaayeen oo ka hor kacday, sabab la xidhiidha dib u dhacii ka yimid habaynkii ay ku hakadeen magaalada Diridhaba

BuurmadowShiinaha1

BuurmadowShiinaha2

Dhanka kalena waxa si heer sare ah dalka Shiinaha loogu soo dhaweeyay Boqor Cismaan Buurmadow oo ka mid ah boqorada ka diwaan gashan qaarada Africa, kana mid ah hogaamiye dhaqameedyada Somaliland  boqorka ayaa xukuumada Shiinahu ay ku qaabishay dalkooda, 

 BuurmadowShiinaha3

Sidoo kale Boqorka ayaa la kulmay madax sar sare oo ka tirsan caalamka meel kasta oo uu maraba, xaga weftigii uu Axmed Siilaanyo hogaaminayay ay dalkaasi ay ku cadilan yihiin lagana yaabo in ay dalka dib ugu soo laabtaan dhowrka maalmood ee fooda inagu soo haya.

Socdaalka  madaxweynaha ayaa fashilmay kadib markii uu ku soo baxay si deg deg ah oo aan la hubsan, madaxweynaha ayaa hore ugu xannibmay dalka Itoobiya isaga oo ay mudo shan cisho ah ku qaadatay in uu dhex meeraysto dalkaasi Itoobiya.

Fashilaadan dublimaasiyadeed ee ku timid xukuumada Siilaanyo iyo guud ahaan Somalilandba waxa ka masuul ah wasaarada arrimaha dibada iyo wasiirka madaxtooyada oo labada wasiirba ayna lahayn wax khibrad diblomaasiyadeed ah, taasina waxa ay kaliftay kol ay iyagu is qabsadaan iyo kol ay odaygii meel ka tuuraan, waxana la haboon madaxweynaha iyo inta la talisaba in madaxweynaha iyo dalkaba dhabadii wanaagsanayd ee ay Somaliland ku socotay dib loogu soo celiyo.

Siilaanyo ayaa markuu mucaaradka ahaa ku dhaleecayn jiray xukuumadii Riyaale maamul xumo iyo inaanay wax khibrad ah u lahayn arrimaha dublimaasiyada iyo booqashooyinka dalalka dibedda.  Siilaanyo ayaa wax ka yar sannad gudihii ku fashilmay maalin walba safaradiisa khaarajiga waxaana ka markhaati ah fadeexadahan  uu kala kulmay safarkiisa Shiinaha oo saxaafada Somaliland badankeedu ay wax ka qoreen arrintaas  wariye madaale by giriyaadnews

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: