• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Somaliland, Itoobiya iyo China oo isku afgartay heshiis saddex gees ah


undefined

Hargeysa – (giriyaadnews) – Md. Axmed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku gudo jira scdaalka ay ku jiraan dalka China, ayaa dawladaha China iyo Itoobiya isku afgarteen heshiis iskaashi oo sadex geesood ah, oo ku saabsan in gaasta Itoobiya laga dhoofiyo marsada Berbera oo dawlada China ay dhisto dhuumaha gaadhsiinaya magaaladaasi.

Waxa kale oo heshiiska ka mid ah in dawlada Chinaca ay kaalin ka geysatay casriyayanta iyo balaadhinta dekada Berbera.
Sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu caawa soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waxaanu u dhignaa sidan:-

“Weftigii uu hogaaminaayo Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo gudo galay hawlihii ay u tageen Wadanka Shiinaha ayaa ilaa imika waxa ay gaadheen guulo balaadhan, guulahaas oo ay iyaga iyo dawlada shiinuhu iyo weliba Ethiopia isku afgarteen iskaashi dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha iyo ganacsiga ah.

Waxyaalaha ugu waaweyn uguna muhiimsan ee heshiiskan ka mid ka ah ee ku jira waxa ka mid ah in gaasta Ethiopia laga dhoofiyo dekeda Berbera, isla markaana wadanka shiinuhu gacan ka gaysto sidii loo samayn lahaa dhuumihii qaadi lahaa gaasta Ethiopia ee gaadhsiin lahaa Dekeda berbera.

undefined

Waxa kale oo laysku afgartay in dekeda berbera laga sameeyo xarun balaadhan oo lagu kaydiyo laguna sifeeyo Saliida Caydhiin iyo Gaasta labadaba.

Waxa kale oo heshiiska ku jira in wadanka shiinuhu uu Somaliland ka aqbalay inuu wax kala qabto ama ka fuliyo balaadhinta dekeda berbera oo mashruucaasi uu yahay mid dekeda berbera ka dhigaya mid u adeegi karta geeska afrikada bari oo dhan.

Waxa kale oo heshiiska ku jira wadooyinka xadiidka ah ee tareenadu Maraan iyo wadooyin caadi ah oo isku xidhaaya wadanka Ethiopia iyo Somaliland.

Heshiisyadan oo la kala saxeexanayo maalmaha soo socda waxa lagu kala saxeexan-doonaa xaflad balaadhan oo saddex geesood ah oo ay u dhan yihiin Wadanka Ethiopia, China iyo Somaliland

Maalgashigan iyo mashaariicdan oo noqondoonta horumar laxaad leh oo lagu talaabsaday taasoo wax weyn ka bedelidoonta dhaqaalaha wadanka iyo nolasha bulshada guux ahaanba marka ay hirgasho ee ay dalka soo gaadho.” 

wariye madaale giriyaadnews

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: