• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Daadad waxyeeleeyay qasabadihii biyaha ee tuulada Ceelgaal


giriyaadnews(Saylac) 15 Aug.11–Guddoomiye ku-xigeenka degmada Saylac Cusmaan Muumin Caare ayaa u sheegay giriyaadnews  in roob ka da’ay buulareyda gobolka Awdal daadad ka soo rogmaday ay waxyeelo u geysteen qasabadihii biyaha qaadayay iyo ceelkii biyaha ee tuulada Ceelgaal oo ka tirsan degmada Saylac.

Cusmaan Muumin Caare  ayaa sheegay in uu qeylo dhaan uu u diray maamulka Somaliland iyo hay’adaha gargaarka in ay u soo gurmadaan deegaankaasi, wuxuuna intaasi raaciyay in ceelka ku yaalla tuulada Ceelgaal uu yahay mid dad badan uu waraabi jiray, kaasoo ku yaalla banka geeriyaad ee xeebta badda u xiga, taasoo wakhtigan xagaaga ay tahay mid aad loogu baahan yahay, iyadoo loo aroor taga dhul gaaraya 70 km.

Dhinaca kale, guddoomiye ku-xigeenka degmada Saylac ayaa sheegay in 40 qof oo tahriibayaal ah ay ku hayaan isla tuulada ceelgaal, kuwaasoo u dhashay qowmiyadda Oromada ee dalka Ethiopia, isagoo intaasi raaciyay in ay degmo ahaan aanay awood u laheyn in dadkaasi ay dib ugu celiyaan dalkoodii, wuxuuna codsaday in laga kaalmeeyo sidii ay dadkaasi ugu celin lahaayeen halkii ay ka yimaadeen.

Si kastaba, dhowaan ayay aheyd markii xuduuda u dhaxeysa Somaliland iyo Jabuuti ay ku dhinteen 18 qof oo Oromo ah oo u tahriibaya dhanka dalka Jabuuti.

giriyaadnews saylac

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: