• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Ismaaciil Cumar Geele oo 23-Sano ka dib booqday Muqdisho (Daawo)


Ismaaciil Cumar Geele oo 23-Sano ka dib booqday Muqdisho (Daawo)

undefined giriyaadNews:-Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta booqashadii u horeysay tan iyo markii uu qabtay Madaxtinimada dalka Jabuuti, iyo labaatan sano kadib bur burkii Dowladii hore ku yimid Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay sida ay tahay xaalada Muqdisho.

Booqashadii oo taariikhi ah ayaa ah mid indhaha Caalamka ugu soo jiidayo, xaalada dalka iyo si bedeladii dhacay, waxaana uu aad uga tiiraanyooday xaalada abaarta iyo macluusha, kadib markii uu booqday Xerooyinka Barakacayaasha, gaar ahaan Xerada Badbaado iyo Isbitaalka Banaadir oo ay jiifaan caruur macluul iyo shuban biyood hayo.

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in wax aanu indhihiisa qaban karin ku soo arkay, isla markaana uu aad uga naxay, waxaa uu ugu baaqay Beesha Caalamka inay gar gaar la soo gaaraan, sidoo kale Dowladaha islaamka iyo kuwa Carabta ayuu sheegay inay yihiin kuwo wax laga sugayo.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Safaarada Jabuuti ee Magaalada Muqdisho markii Villa Somalial kula kulmay Madaxweyne Shariif, Ra’iisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayuu sheegay in shucuurtiisa ay tahay mid aad u sareysa, isla markaana Muqdisho ay ugu dambeysay 1988-dii.

“Shucuurteyda aad iyo aad ayay u sareysaa waxaa Muqdisho igu dambeeyay 1988-dii, runtii sidii ay aheyd waa noqon weyday, labaatankii sano ay jiitdameysa aad baan uga xumahay”ayuu yiri Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Intii uu Muqdisho ku sugnaa waxaa uu tagay Xarunta wasaarada Warfaafinta iyo Radio Muqdisho, isagoo amaanay sida Idaacada loo kiciyay, waxaa uu sheegay inay ugu dambeysay xilli kibriid xataa lala soo geli jirin waa sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in abaarta laga bixi doono, isagoo la hadlay dadkii barakacayaasha ee uu ku booqday Xerada Badbaado, waxaa uu deeq daawo siday Diyaaradii uu la socday oo gaareysa 13-tan iyo 27-kun kiish lagu nafaqeeyo caruurta uu ku wareejiyay Wasaarada Caafimaadka.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa ka dhoofay duhurnimadii maanta garoonka diyaaradaha, iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay laguna sii sagootiyay, waxaana soo dhoweyntiisa ka qeybq aatay Hobalada qaranka, oo suugaano kala duwan soo bandhigay, haween fara badan oo tix buraanbur ku soo dhoweeyay iyo kooxaha kala duwan ee hidiyo dhaqanka.

Ammaanka ayaa ahaa mid aad loo adkeeyay, iyadoo Xerada Barakacayaasha ee Badbaado ee duleedka degmada Dharkeenley lagu arkayay Ciidamo si gaar ah u labisan oo ka qeyb qaadanayay sugida Ammaanka intii uu ku sugnaa xeradaas Madaxweynaha Jabuuti.

Booqashadiisa maanta uu ku yimid Magaalada Muqdisho ayaa daah fur u ah booqashooyin la filayo in Madaxda Caalamka ku yimaadaan Soomaaliya, si ay u qiimeeyaan xaalada dhabta ah ee abaaraha, iyadoo safarka ugu soo horeeyay maalinta khamiista ku imaan doono Madaxweynaha Turkiga Rajab Tayib Erdogan.

Beenmashege  kariye  giriyaadnews
giriyaadnews@gmail.com

DAAWO SAWIRADA:-

undefined

undefined

undefined

undefined

undefinedundefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: