• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

UGAASKA IYO GUURTIDIISU WAA HOGGAANKA KALIYA EE LAGU HELI KARO TALO MIDNIMO


Waxa la wada ogyahay in bulshada Gadabuursigu ay lahaayeen taariikh soo-jireen ah oo ku suntan “Ugaaska & Aqalka Odayaasha” oo ka koobnaa boqol guurti ah iyo Ugaaska oo guddoomiye u ah. Waxa aan shaki ku jirin in nidaamkaa dawladnimo ee kala dambeynta ku dhisnaa laga dhaxlay horumar dhamaystiran oo cid walba qaddariso illaa dawladda Ingiriisku aqoonsi ahaan u tilmaantay “Dhulkii Gadabuursiga”(Gadabuursi Territory).

Nasiib darro, nidaamkaa la mahadiyey mudaddii lagu soo dhaqmay waxa ku yimid burbur ummaddii laheyd dhaxalsiiyey jaho-wareer iyo tiih illaa maanta si cad u muuqda oo xataa jiilka ugu da’da yari gartay dhibta ay taariikhda burburku badday ama ay bartay. Sida aayadda Qur’aanka ahi qeexayso“Qoomna Ilaahay(SWT) ma badalo ama ma dulleeyo iyaga oo is baddala oo is dulleeya mooyaane”;

sidaa awgeed isbeddalka dhaqan-dhaqaale ee ku yimid bulshada Gadabuursi iyo deegaankiisaba waxa sababtiisa ugu weyn lahaa iyaga oo albaabka u furay cid kasta oo fursad u la’ayd fur-furka nidaamkaa Gadabuursi ku socday kaddib markii ay waddo inqilaab oo khilaaf abuurtay kula kaceen guurtidoodii Ugaasku madaxda u ahaa.

Haddaba; maanta waxa run ahaantii ifaysa taariikh soo noqotay maxaa yeelay waxa abuurmay shir beeleedyo lagu soo afjaray hoggaanno midnimo iyo xeer beeleed midnimo iyadoo hadda loo soo gudbay marxaladdii midnimada guud; sidaa awgeedna la gudagalay maamuuska soo dhaweynta Ugaas Cabdulrashiid Ugaas Dooddi Ugaas Rooble oo hadda ku sugan caasimadda Ismaamulka Soomaalida ee Jigjiga – Ethiopia.

Sidaa darteed; waxan Ilaahay uga baryayaa dhammaan inta ku hawlan abaabulka iyo qaabaynta soodhaweynta Ugaaska sida Salaadiinta, Chief Caaqilada, Caaqilada, Odayada iyo Aqoonyahankaba inuu ku guuleeyo hawsha baaxadda leh ee ay gacanta ku hayaan. Sidoo kale qurba-joogga, ganacsatada iyo bulshada inteeda kale  gudo iyo dibadbana waxan ku boorinayaa inay arrin iyo adduunba ku taageeraan ka-midho-dhallinta arrintan muhiimka u ah taariikhda isa soo celisay ee mustaqbalkooda; waxanad ogaataan cid kasta oo mabd’a ahaan uga hor timaadda arrintani inay ku sifoobayso “Cadaw Midnimo” oo lagu waayayo istixgelin, karaameyn iyo kala-dambeyn tisqaada hase yeeshee lalama yaabi karo qaabka farsamo iyo xeer-dajinta dib loogu unkayo Ugaaska iyo Guuritidiisa in lagu kala fikir duwanaan karo iyadoo qaayaddu mid kaliya tahay.

Ilaahow na waafaji wanaagga. Aamiin!

Mohamed Abdullah Haji Obsiyeh

Riyadh – Saudi Arabia.

giriyaadnews sacuudi areebiya

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: