• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Boqor Osman Buurmadow: Madaxweynaha iyo wafdigiisu been ayey dadka u sheegayaan, Chinana waa loo diiday in ay Maddaarka dhaafaa


undefinedWaxa maanta  khadka telefonka tiraba saddex jeer aan kuwada xidhiidhnay Boqor Cismaan ( Buurmadow)  oo jooga dalka UAE. Farriintiisuna waxa ay ahayd in uu ii xaqiijiyo, in uu markhaati ka yahay in wafdigii Madaxweyne Ahmed Siilaanyo laga soo celiyey maddaarka oo aanu dawlad iyo shirkado toona arag, taasina ay ku timid qalad saaxiibbadii ay ku sameeyeen oo dhinaca Baasaboorrada iyo Vissa-ha ah.

Dhalliilaha madaxda Siilaanyo la shaqaysana waxa uu ku sheegay in ay jirto ummadduna ogtahay, oo uu run ka sheegayo. Oo uu oday ahaan ka adkaysan kari waayey in uu shaaciyo…wararkan dhinbiisha ku noqday xukuumadda. Laakiin waxa uu ii sheegay in aanu marnaba dhalliilin kartida,iyo aqoonta Siilaanyo. Balse uu saluugsan yahay dadka uu maamulka u xushay,  kana sugayo in uu dawladdiisa ku sameeyo isbeddel fiican. Illaa iyo inta uu taa samaynayana aanu ka joogsanayn wax ka sheegga dawladdiisa.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi,’Lexejeclo ayaan ka qabaa Somaliland,mana doonayo in ay dadka walaalaha ahi godob kala tirsadaan, oo weliba beesha aan ahay ee Habar Jeclo godob loo tiriyo. Haddii aan taa ka hortagi waayana odaynimadayda been ayaan ka sheegayaa. Waxanan aamminsanahay in  aanay dawlaaddani Siilaanyo weligeedba jiri doonin, oo kuwa ka dambeeyaa iman doonaan, laakiin beeluhu ay jiri doonaan, sidaasi daraaddeed aanay habboonayn in ay koox yari ku adeegato qabiilka aan duqa u ahay, dawladnimadiina ay sidaa ku wiiqanto, oo ay dadku meel kasta kaga sheekaystaan Habar Jeclo ayaa is wada siisay wixii ay ummaddu wada lahayd….maya……. maya….. ayaan leehay…waanan ka qayl yayaa…. anigu kama yeelayo. Xataa haddii kuwo kale ka yeelaan.

Mar uu iiga warramayey, boqornimadiisa oo aan qoraalkaygii hore ku sheegay in uu isagu is caleema saaray, waxa uu ii sheegay in beeshiisa Muuse Abokor oo ka mid ah kuwa ugu badan Habar Xubuusheed amma Habar jeclo ay si fiican u caleema saartay, waxana uu iiga ballan qaaday in uu soo bandhigi doono xafladdii caleema saarka oo muuqaal ah. Laakiin waxa uu soo dhaweeyey wax kasta oo ay saxaafaddu ka qorto hadalkiisa iyo fikirkiisa, waxase uu ii sheegay in aanu marnaba taageereyn wixii dhibaato dhalinaya, caddaalad darro u keenaya ummadda iwm.

Mar aan ka warsaday in ay wada hadlaan Madaxweynaha iyo xidhiidhka ay immiga leeyihiinna, waxa uu yidhi, ‘ waan wada hadli karnaa, iskumana xumin, haddii aanay jirin wax aanan ogeyni,  laakiin ma fahmayo waxa na kala dhex yaalla ee la sheeg sheegayo. Malaha sida kuwa ku xeerani ay wax ugu sheegaan ayaa qaldan oo ay dadku dhaga-dhageeyaan. Inta bandanna sida ii muuqata waxa loo wariyaa  war xun. Aniguse diyaar ayaan u ahay in aan wax kala dhegeysanno. Oo aan ahayn wixii godob iyo dhibaato kala dhex dhigaya ummadda.’

Dhinaca Ethopia, waxa uu sheegay in ay xidhiidh fiican leeyihiin, maalin wal amma usbuuc walbana ay madaxdooda wada hadlaan, kana wada hadlaan danaha ummadaha walaalaha ah, laakiin ma ihi buu yidhi, nin nacasnimo dhex dabbaasha, oo aan wadani ahayn. Dalkaygana in aan wanaag u soo jiido mooyee, in aan xumaan u soo hooyo, waa ta aan mar walba ka dagaallamayo. Ee aan xukuumadda Siilaanyana ku maagayo.

Ugu dambayn, waxa uu ii sheegay in uu la xidhiidho xildhibaannada iyo shakhsiyaadka dawladda ugu muhiimsan amma ay shacabku raaliga ka yihiin. Oo aanu kala gabban in uu runta ka sheego, meelaha uu dhalliilaha ku og yahay.

Si kastaba arrini ha ahaatee, waxa ayaamahan saxaafadda suuq aad ah u sameeyey, Boqor Cisman oo ah nin hal adag, dooddiisana aan la xajin. Waxanu immiga ku sugan yahay dalka Emaraatka magaalada Dubai. Dalkiina waxa la sheegayaa in uu waaran u yaallo, oo haddii uu tago la xidhi doono. Taasi oo dad badan oo la socdaa ay aad uga biyo diiddan yihiin. Isna uu ii sheegay in aan la xidhi karin, meesha uu doonana uu dalka ka tegi karo.

giriyaadnews

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: