• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Madaxweynaha Somaliland Axmad Maxamuud Siilaanyo oo dalka dib ugu soo laabtay maanta iyo sawirro


Hargeysa – (giriyaadnews) – Waftiga uu Horkacayay madaxweynuhu ayaa waxa uu ka koobnaa Oo ku wehelinaayey Safarkiisa Marwada Madaxweynaha, Wasiirada Arimaha Dibada , Beeraha , macdanta iyo biyaha, Madaxtooyada, iyo maareeyaha Dekada Berbara.

Madaxweynaha ayaa markii uu ka soo degay Madaarka Hargaysa Intenational Airport waxaa uu ka warmay hawshiisi shaqo ee uu ku maqnaa iyo wixii uga soo qabsoomay waxanuu sheegay in wadaxaajood dheer ka dib ay natiijadii noqotay in Somaliland iyo maalgalshedayaashu ay gadheen heshiin dhinacyo badan leh oo Ay kamid ahayd dekada Berbera oo la balaadhiyo, samaunta Dhuumo isku xidhay Ethiopia iyo Somaliland , warshado iyo wadooyin.

“Wadaxaajood dheer kadib waxay Maalgashadayaasha iyo Somaliland Wada gaadheen heshiis hordhac ah oo ujeedadiisu tahay in isbadal wayn oo lagu sameeyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka oo ay kow ka tahay balaadhinta Marsada Berbera “


Madaxweynaha ayaa sheegay in Qalinka uu ku soo duugay Samaynta Dhisme Cusub oo Loo adeegsado Safrinta Saliida taas oo noqon doonta Dhuumo Dhulka Hostiisa Mara oo ay inoo samayn doonaan nimankaas Maalqabeenadaha ah ama maalgashadayaasha lagu magacaabo.
“Waxa kale oo aanu isla eegnay in la sameeyo dhisme dhuumo dhulka Hoostiisa mara oo gaasta dabiiciga ah iyo saliida ethiopia lagu geeyolagana safriyo dekada Berbera”
Mar uu ka hadlaayey Madawynuhu Warshada Lagu sii safeeyn doono Gaasta iyo Saliida oo Ku jirta Heshiiskii u qalinta ku soo duugay ayaa waxa uu yidhi
“Sidoo kale waxaa hawshaa ka mid noqon doonta dhismaha Warshad lagu diyaarinaayo gaasta iyo saliida inta aan debada loo iib gaynin”

Heshiisyadan oo Soo galay Madaxweynuhu intaas kumay eekayn ee waxaa ka mid ahaa Mashaariic badan oo ay ka mid tahay Wadada isku xidhay Ethiopia iyo Somaliland taas oo waayadan ay ahayd waxa ugu hadal haynta badan ee ay mujtamaca reer Somaliland ay ku qadaynayeen kuna quraacanayeen, sidoo kalena qaar ka mid ah ay soo dhaweynayeen Heshiiskaas halka qaar ka mid ah Bulshadu ay u arkayeen Arintii Soo dhawaynaysa in Somaliland Ay noqoto Gobol ka mid ah Dalka Ethiopia Taas oo ay ku macnaynayeen in ay fududaynayso isu gudubaka labada dal.
“Mashaaricda waaweyn ee Somaliland ay doonayso inay samayso waxaa ka mid ah Wada weyn ee isku xidha Berbera iyo Wajaale ay ka mid noqoto waxaanay Somaliland u keeni doontaa faaidooyin Dhaqaale oo aad u balaadhan waxaana ka mid ah faaidooyinkaas Aburitaanka Shaqooyin badan oo muwaadiniinta Reer Somaliland ay ka heli doonaan , sidoo kale waxa uu mashruucani kor u qaadayaa Dakhliga Dawlada oo lagu fulin doono adeegayada bulsho, waxaa iyana ku soo kordhi doona shirkado badan oo dhaqaalaha dalka kor u qaada, sidaa awgeed marka ay hawshani hir gasho waxa uu dalku heli doonaa horumarka ugu wayn ee Soo marta Dalka Somaliland ilaa iminka iyo intii ay ka qaadtay Xornimada Boqor tooyadii Engiriiska 1960, waxaanu kor u qaadi doonaaa doorka ay Somaliland ka qaadatay dhinacyada Nabadgelyada , dhaqaalaha horumarka ,ganacsiga geeska Afrika iyo dunida kaleba”
” Waxaan Shacabka Somaliland ku boorinayaa in ay gacmaha is qabsadaan oo ay ilaashadaan Nabadgaleyadooda iyo Qaranimadobada sidaas ayey isku ognahay”
Madaxweyne Siiraanyo ayaa waayadan ku maqnaa Safar uu ku tagay Dalka China oo macnihiisu ahaa in uu mashaariic badan ka soo saxeexo taas oo la sheegayey in mashaariicadan ay dabada ka riixaysay dawlada Ethiopia oo iyadu ka dambaysay In Somaliland iyo China ay isku xidhi .

giriyaadnews, Hargeysa

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: