• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Caaqil Cabdi Xassan Axmad oo dawladda ugu baaqay inay wax ka qabato musuqmaasuq illa dawladdii Rayaale soo jiitamayey oo hadheeyey Dawladda Hoose ee Saylac


Saylac (giriyaadnews):- Caaqil Cabdi Xasan Axmed oo ka mid ah Cuqaasha gobolka Salal ayaa ku eedeeyay maamulka Dawlada Hoose ee magaalada Saylac in ay ka jirto dhibaato musuq maasuq oo , haddii aan si deg-deg ah wax looga qabana ay ku dhawdahay hantida dadka shicibka ah in la lunsado.

Caaqil Cabdi Xasan Axmed oo nala soo xidhiidhay isaga oo jooga Magaalada saylac waxaa uu sheegay in ay arrinta musuq maasuqa ka jira Dawlada Hoose ee magaalada Saylac ay Wasiirkii hore ee Arrimaha Guddaha dhawr jeer kala hadleen in uu wax ka qabto balse aanu arrintaas waqx ka qaban, “Aniga oo ah Caaqil Cabdi Xasan Axmed waxaan doonayaa in aan ka hadlo dhibaato badan oo uu gudan waayay Wasiirkii hore ee Arrimaha Guddaha Somaliland Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa ka jirta magaalada Saylac, waxaa jirta Dawlada hoose ee magaalada Saylac oo dawladii UDUB-na aanay waxba ka qaban oo lacagta habeen iyo maalinba si sharci daro ah boqolaal milyan oo Dollar ayaa lumaysa markii hore iyo mar danbeba, waxaa jira dad waraaqo foojari ah iska samaysanaya oo been ku qaadanaya lacagtaasi cid wax ka qabanaysaana ma jirto hantidaa baaba’aysa, toban jeer in ka badan ayaanu arrintaa Wasiirkii hore ee Arrimaha guddaha kala hadalnay waanu naga diiday. Gaboose waxaanu ku khasbaynay in uu daba galo musuq maasuqan ay wadaan maamulka magaaladu sidii kii gabiley oo kale, arrintaana wuu naga diiday Wasiirkii hore oo waxanu u qaadanay in uu u jeedo ka leeyahay sababta oo ah waxaanu doonaynay in uu guddi u soo diro oo la eego oo la arko waxa jira waxaasina waa wax qarsoon weeyaan.” Ayuu yidhi Caaqil Cabdi.

Caaqil Cabdi Xasan Axmed waxaa kale oo xusay in magaalada Saylac ay baddii ku soo jabtay isaga oo dhinaca kale qaybaha kala duwan ee maamulka dawlada ee Gobolka salal gaar ahaan dawlada hoose ku eedeeyay in aanay waxba ka qaban baahiyaha kala duwan ee magaalada waxaanu yidhi “ baddii way ku soo furantay magaalada Saylac oo labaatan talaabo wax ka yar ayay baddii magaalada ka soo gashay,Moos yar oo magaalada xaga badda kaga beegnaana wuu jabay mushkiladahaa waa wayn ayaa magaalada ka jira cid wax ka qabanaysaana ma jirto, wax talaabo wax qabad ah oo ay habeen keliya qaadayaan ma jirto dhakhtarka caafimaadka wax uma qabtaan, baddaa magaalada ku soo jabaysa wax kama qabtaan, magaalada Saylac gudeheeda haddii aad aragto xashiishka ayaa buux dhaafiyay, wax qabad xataa haddii loo dhaqaaqo bulshadu iyada ayaa is maamuli lahayd Laakiin bulshadu waxay u baahan tahay hormood, maamulka magaalada joogaana lacagtaa tuugada ah ee ay meesha ku qayb sanayaan ma ahee cid wax ka qabanaysa oo dadkii hor kacaysaa ma jirto”.

Caaqil Xasan ayaa xukuumada dhexe u soo jeediyay, “Dardaaran ayaanu bixinaynaa Dawladana waxaanu leenahay dulmi iyo dhibaato ayaa meeshan Saylac ka jirta markaa ogaysiin ayay naga tahay wixii hore ee aanu la dulmanayn ee aanu markii horeba udub iskaga erinay oo hadana noola aamusay wasiir Gaboose, Wasiirka cusub ee la keeno iyo xukuumadaba waxan leenahay meeshan ha loo soo jeesto oo wax halaga maamulkan wax musuq maasuqaya”.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: