• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Isku shaadhayn baaxadleh oo la filayo iyo warar dheerad ah oo socdaalkii Maxamadweynaha Somaliland laga soo saari doono dhawaan


Hargeysa – (giriyaadnews) – Sida uu ku balanqaaday Madaxweyne Siilaanyo markuu uu daraad ka soo noqday Safarkii uu ku tagay Dalalka Itoobiya, Shiinaha iyo Hong-kong waxa uu balanqaaday inuu berri ka soo saari doono warbixin dhamaystiran isla markaana uu warbaahinta fursad u siin doono inay su’aalaha ay u baahan yihiin u ogolaan doono.

Sidoo kale waxa la filayaa Madaxweyne Siilaanyo balanqaadkiisaas inuu raacin doono inuu wax kaga bedeli doono Golihiisa wasiiradda oo uu mid ka mid ahi wax ka yar soo noqshadiisa xilkii iska casilay iyadoo wararka ugu badan ee keentay arrinta iscasilaada Gaboose loo aanaynayo inay jiraan xogo iftiiminaya Madaxweyne Siilaanyo soo gurya noqshadiisa inay weheliso isbedel uu ku samayn doono Golihiisa Wasiiradda oo ay qaar-na kuraasida banayn doonaan qaarkood-na uu saamayn doono isku bedelka ka imanaya guur-guurka ay ku yeelan doonto shaxda Golaha cusub ee meesha iman doona.

Si kastaba ha ahaatee ilaa hada si rasmi ah looma oga goorta ay arrinta Golaha Wasiiradda isku-shaandhaynteedu dhici doonto hase yeeshee sida uu shalay cadeeyay Guddoomiyaha Guddida Siyaasadda ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB cali Maxamed Warancade waxa jira culays dublamaasiyadeed oo uu Madaxweyne Siilaanyo la soo gurya noqday kaasoo ku saabsan Golihiisa Wasiiradda inuu ka saaro xubno ay diidan yihiin Dawladaha Somaliland xidhiidhka la leh kuwaasi oo ay ka mid yihiin Itoobiya iyo Ingiriisku, kaasoo la filayo inuu hordhac u ahaa Dr:Gaboose oo ka mid ah ugu yaraan ilaa sideed Masuul oo ka tirsan Golaha Wasiiradda oo ay Dawladahaasi farta ku godayaan la shaqayntoodu inay ku adag tahay.

Inkasta oo ay saxaafaddu hore u baahisay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo wufuud kala gadisan oo ka mid ah Ingiriiska iyo Itoobiya ay bilowgii xukuumaddisaba kala hadleen inay ka war-warsan yihiin qaar ka mid ah Golihiisa Wasiiradda oo ay ka mid ahaayeen wasiirkii Arrimaha Gudaha, wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Duulista Hawada, wasiirka Ganacsiga, wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta, wasiirka Madaxtooyadda oo markaa ahaa Chief of cabinet-ka Madaxtooyadda iyo Taliyihii hore ee Sirdoonka waxa markaas loo arkayay in arrinta Dawladahaas uu ku waayay Xilkiisa Taliyihii Sirdoonka ee ay wakhtigaa Calaamadiyeen oo ahaa Xuseen Kiiniyaati.

Hase yeeshee safarkan Madaxweynaha ay ka dhalatay in mar kale ay Dawladahaasi soo rogaal celiyeen in mar kale Xukuumaddu dib u eegto codsigooda taasoo la filayo in ay sahayato qaar ka mid ah xubnahaasi, inkastoo warar kale ay sheegayaan in Madaxweyne Siilaanyo ay ka go’antahay wakhtigan xaadirka ah maadaama uu kala ogaaday Golihiisa raga wax tari kara iyo kuwa wax ma tarayaasha ah oo isagu dib u shaandhayn ku samaynayo xulashadiisii hore.

Labada arrin ka ay doonto ha ahaatee warar kale ayaa sheegaya in xubnaha Golaha Wasiiradda qaarkood iskood isku casili doonaan maalmaha soo socda iyadoo ay arrintaas xoojinayso hadalkii uu Dr: Gaboose hordhaca uga dhigay amarkii uu sicasilayay ee uu yidhi Tabashooyin inaan xilka uga tagay kama maqna, taasoo la sheegayo raga qaarkood si la mid ah sida Gaboose inay saluugsan yihiin qaabkii loo xulay xubnaha weftigii Madaxweyne Siilaanyo ku wehelinyay safarkiisa oo ay ahayd inay raacaan wasiiradda Ganacsiga, Qorshaynta, Hawlaha Guud halka ay ka raaceen Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi iyo wasiirka beeruhu.
Sida ay sheegayaan warar la isla dhex marayaana waxa ay sheegayaan in raga ka muuqan doona xukuumadda cusub ay ka mid noqon doonaan Cali Maxamud Axmed Cali Sandule oo ka mid ahaa wasiiraddii Rayaale, C/laahi Xuseen Iimaand Darawal oom isna wasiir ka ahaa xukuumaddi Rayaale, raga kale ee cusub waxa ka m id ah C/laahi Shariif oo ahaa saraakiishii hore ee Nabad sugida oo la filayo in uu noqon doono Wasiirka Amniga Qaranka ama Taliyaha Sirdoonka Qaranka.

Waxa kale oo iyana soo baxaya in wasaaradaha qaarkood la isku bedlayo qaarkoodna qaab dhismeedkooda la kala saari doono waxaana ka mid ah wasiiradda la bedeli doono ee loo dhiibi doono wasaarado kale nWasiirka Maaliyadda, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Waxbarashada, Cadaaladda iyo Diinta iyo Awqaafta, Gaashaandhiga.

Sidoo kale waxa la hadal hayaa inay ku jiri doonaan isbedelka cusub Agaasimayaasha Guud ee mudadii ay xilka hayeen wasaaradahoodu ragaadeen ee ka soo bixi kari waayay shaqooyinkooda
Si kastaba ha ahaatee waxa maalmahan fooda inagu soo haya ka soo bixi doona Siilaanyo ama Wasiiradda Xilka qaadiso ama iscasilaado waxa badan ka bedeli doona Xukuumadda Siilaanyo oo ay ku gedaaman yihiin tabashooyin badan oo ka dhashay nidaamka ay dalka u maamulayso oo saluug badani ka jiro haday noqto dhinaca Xukuumadda iyo Beelaha ay ka soo kala jeedaanba iyadoo ay arrimahaasi ku cadyanayaan shirar doceedyada Beelaysan ee ay qaarkood qabsoomeen qaarkood-na imika lagu jiro gogol xaadhkoodii. 

giriyaadnews

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: