• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Loollan adag oo loogu jiro jagada wasiirka arrimaha gudaha ee Dr. Gaboose banneeyey


reer awdalhargeysa(giriyaadnews) Loolan adaga ayaa loogu jiraa cidii buuxin lahayd jagada wasaaradda Arrimaha Gudaha ee uu doraad baneeyay Dr: Maxamed Cabdi Gaboose, waxaana isa soo taraya warar tibaaxaya in ilaa shalay Madaxtooyadda Somaliland ay ka jireen dhaqdhaqaaqyo ay wadaan Siyaasiyiin iyo kaaba qabiilo u ololaynaya xubno siyaasiyiin ah oo ay qaarkood xilal imika hayaan si ay ugu dal-doorsadaan halka kuwa kalena ay ka yihiin qaar banaan joog ah oo in badan naawilayay in la magacaabo.

Inkastoo aanay jirin cid ilaa hada arrintaas loo aanayn karo in si kama danbays ah loogu dhawaaqayo hadana xogihii ugu danbeeyay ee shalay soo duul-duulayay waxa ay sheegayaan in koox Xildhibaano iyo wasiiro isugu jirta oo ka soo jeeda Beesha Wasiirkii hore ee xilka baneeyay ay shalay is-hor fadhiisteen Madaxweyne Siilaanyo iyo wasiirkiisa Madaxtooyadda kuwaasoo kala ahaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Wasiirka Kalluumaysiga, Xildhibaan Duur, Xildhibaan Waabeeye iyo Guddoomiye ku-xigeenka Kulmiye C/raxmaan C/qaadir.

Kooxdaasi kulanka ay la yeesheen Madaxweyne Siilaanyo waxa la sheegay inay ugu bandhigeen sidii uu Madaxweyne Siilaanyo jagadaasi ugu dhiibi lahaa Dr: Cabdi Aw Daahir oo imika haya xilka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha hase yeeshee waxa ay ilo u dhuun-daloola kulankaasi sheegeen in uu Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirkiisa Madaxtooyadda oo kulanka ku wehelinayay-ba ka war-wareegeen arrintaas isla markaana uu Madaxweynuhu badheedhihiisa ka dhiibtay oo uu ku gaabsaday xilka uu u dhiibay inuu calafsado.

Waxa kale oo ay warar kale sheegayaan in uu isna jiro nin la yidhaahdo Axmed Suudaani oo ka mid ahaa Siyaasiyiintii Ururka Qaran isla markaana u qaabilsanaan jiray Gobolka Togdheer, sida ay ilo xogogaal ahi sheegayaana ninkaasi wax Olole ah isagu umuu galin laakiin waxa looga Ololaynayaa dhinaca Madaxtooyadda oo xubno Khusuusiga Madaxtooyadda ah ayaa la sheegay inay bandhigeen isla markaana isaga la xidhiidheen si ay u ogaadaan mawqifkiisa, xubnaha la xidhiidhayna waxa la sheegay inay qaarkood u tageen halka qaar-na ay Telefoon kula xidhiidheen.

Hase yeeshee wararka ugu xooga roon ee tilmaamaya ifafaalaha shakhsiga kursigaasi ku soo baxaya ayaa tibaaxaya inuu yahay nin la yidhaahdo Xuseen Saalax Muuse ooh ore u haaan jiray Ambassador, intii ka danbaysayna xilal ka soo qabtay Xukuumadihii Dawladda Federaalka Somaliya kaasoo ilaa xil wasiirnimo ka gaadhay, isla markaana ilaa hada loo aaneeyo inuu yahay nin mabda’aas wali ku dhegan oo aanay jirin meel uu si rasmi ah ugaga dhawaaqay inuu ka baxay.

Siyaasigan waxa la sheegay inuu ku dhaw yahay Qasriga Madaxtooyadda isla markaana uu ku leeyahay awood balaadhan oo u suurtagalin karta in kursigaasi loo magacaabo, inakastoo aanay cadayn awooda uu ku leeyahay Beesha uu ka soo jeedo oo saamayn ku yeelan doonta haddii kursigaasi loo magacaabo faa’iidada uu Xukuumadda uga keeni doono beesha uu ka soo jeedo oo uu Olole weyn oo mucaaradnimo ah kaga furi doono Dr: Gaboosaha kursiga baneeyay iyo siyaasiyiinta beesha laftooda maadaama lagu gacansaydhay xubintii ay doonayeen in xilka loo dhiibo.

Xogo kale oo aan qoto dheerayn ayaa iyana tibaaxaya in Cali Maxamed Warancade oo ah Guddoomiyaha Guddida Siyaasadda ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB la filayo isna in ay jiraan tuhuno sheegaya in kursigaasi loo dhiibo, inkastoo warar kale sheegayaan shirar uu xalay ku jiray in uu beeshiisa u kulmiyay sidii ay ugu taageeri lahaayeen damaciisa ah in uu iska sharaxo Xisbiga UDUB, inkastoo warar kalena sheegayaan in Maxdatooyadda looga yeedhay.

Si kastaba ha ahaatee waxa Madaxtooyadda laga filayaa inay si dhakhso jagadaasi u soo buuxiso, maadaama isla maanta uu xilka wasaaradaasi Dr: Gaboose ku wareejin doono wasiir ku-xigeenkiisa.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: