• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Madaxweynaha DKM ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo xafiiskiisa ku qaabilay guddoomiyaha Midowga Afrika Jean Ping


giriyaadnews – Muqdisho – Madaxweynaha DKMG ah ee Somaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta Xafiiska Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Midowga Afrika Jean Ping sida lagu sheegay warsaxaafadeed k asoo baxay xafiiska madaxweynaha.

Kulankan ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin dowladda ka tirsan sida ra’iisul wasaaraha C/weli Maxamed Cali, guddoomiyaha barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim.

Shirka ayaa looga wada hadlay qodobbo badan oo ay ka mid yihiin horumarka laga gaadhay amniga iyo sidii loo xoojin lahaa, qalabaynta iyo tababarka ciidanka dowlada KMG ah, abaaraha iyo shirka soo socda ee IGAD oo ka dhici doona magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Madaxweyne Shariif ayaa u sharraxay guddoomiyaha Midowga Africa in horumarka amniga lagu daro horumarka arrimaha bulshada sida dib u dhiska wadooyinka, iskuulada, isbitaalada IWM.

“Shacabku waa in looga faa’iideeyaa amniga, waa inay dareemaan horumar, dowladana fursad bay  taasi u tahay ,” ayuu Sheekh Shariif ka sheegay shir jaraa’id oo isaga iyo Jean Ping ay si wadajir ah u qabteen kaddib kulankoodi.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha Miwoga Afrika ayaa shirkooda jaraa’id ku sheegay inay isku afgarteen qodobbadii ay kawada hadleen oo dhan.

Socdaalka Jean Ping uu ku yimid Muqdisho ayaa noqonaysa tii ugu horreeysay ee uu ku yimiddo Mudisho, waxaana socdalkiisan uu ku soo beegmayaa iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay si isdaba joog ah u soo booqanayeen Muqdisho madax iyo xubno ka socday dalalka caalamka.

giriyaadnews

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: