• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Wasiirka Macdanta iyo biyaha oo heshiis la saxeexday shirkad reer Kanada ah oo Awdal iyo Hargeysa ka hawlgalaysa iyo 70 shirkadood oo ku gacan saydhay arrintaa


Hargeysa(giriyaadnews) warar xogogaal ah oo ay na soo gaadhsiiyeen qaar ka mid ah Shirkadaha wadaniga ah ee Ruqsadaha ka haysta wasaaradda Macdanta iyo Biyaha ayaa sheegaya in ay khatar weyn ku hayso Heshiis uu wasiirka Macdanta iyo Biyuhu la galay shirkad Kanadiyaan ah oo doonaysa deegaano ka mid ah Gobolka Awdal iyo Waqooyiga Hargeysa inay kaga gurato Macdanaha qaarkood.

Sida uu warku sheegayana Deegaanada ay Shirkadda Kanadiyaanka ahi Macdanta ka guraysana  waxay kala yihiin Degmadda Daarasalaam oo ah Waqooyiga Hargeysa iyo marka dhinaca Galbeed loo kaco ilaa iyo Siimori halka marka waqooyiga laga eegana ay ka noqonayso Arabsiyo ilaa iyo Qabri-baxar.

Talaabadan ay wasaaradda Macdanta iyo Biyuhu ku siisay Shirkadaasi Kanadiyaanka ah oo uu dhawaan dalka keenay Safiirkii hore ee Kanada u fadhiyay Somaliland ayay shirkadduhu sheegeen in ay tahay mid sharci daro ah oo aanay aqbalayn waxaanay sida ay Waaheen u sheegeen ilo xogogaal ahi arrintan wax ka qabashadeeda kala hadleen wasiirka wasaaradaasi hase yeeshee waxa ay sheegeen inuu u bandhigay inay la shaqeeyaan balse ay ku gacansaydheen.

 Sida ay sheegeen qaar ka mid ah Shirkaddha wadaniga ah ee Ruqsada ka haysta wasaaradda Macdanta iyo Biyuhuna waxa ay Waaheen u sheegeen in lagu wargalayiyay inay goobaha ay Liisamada u haystaan inay Macdanta ka qotaan ay dhawaan shirkadaas Kanadiyaanka ahi keeni doonto Diyaarado iyadoo dhawaana ay sheegeen inay yimaadeen khubaro shirkadaas ka socda oo baadhitaano ku sameeyay Deegaanada ay Wasaaraddu Heshiiska kula gashay inay Macdanta ka qotaan.

 Ilaa hada si rasmiyan ah looma oga Heshiiska uu Wasiirku la galay shirkadaasi halka uu ku sal leeyahay iyo nooca Macdanta ah ee ay guranayaan isla markaana ma cada in ay wasaaraddu Heshiiskaasi u gudbisay Golayaasha Sharci dajinta ee Awooda u leh inay aqbalaan Heshiiskaasi, waxaanay u muuqanaysaa haddii aanay arrimahaasi kala cadayn Eedaha loo soo jeedinayo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee ah inay Heshiisyo sharci daro ah la soo gashay Shirkaddo Ajanabi ah oo looga faa’iidaysanayo awooda Maamul ee dalka ka jirta.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: