• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Gobalka Jubada Hoose Oo Saaka Xiisado Dagaal Oo Ba’ani Ka Taagan Yihiin


Aug 20, 2011 Kismaayo(giriyaadnews) – Dhaqdhaqaaq ciidan oo aad u xoogan ayaa laga dareemayaa saaka deegaanka Dhooblay iyo nawaaxiga ku xeeran oo katirsan Gobalka J/Hoose kadib markii saraakiil ka tirsan Dowladda KMG ee Soomaaliya ay shaaca ka qaadeen in ay duulaan ku yihiin deegaanada iyo degmooyinka Gobollada Jubooyinka.

Afhayeenka Ciidamada Dowladda KMG ee Jubooyinka Maxamed Faarax Daahir oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in ciidamada dowladda KMG iyo Xarakada Raaskaambooni ay wadaan qorshe uu sheegay in ay ku doonayaa in xarakada Alshabaab ay kaga saaraan Gobollada Jubooyinka.
Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in ciidamadooda iyo kuwa Xarakada Raaskaamboni ay qorsheynayaan in saacadaha soo socdo ay duulaan ku qaadaan fariisimaha xarakada Alshabaab ay ku leedahay nawaaxiga degmada Afmadow ee Gobolka J/hoose.

Xaaladda deegaanka Dhoobley ayaa saaka ahayd mid aad u kacsan iyadoona gudaha magaalada lagu arkayay gaadiid dagaal iyo ciidamo tiro badan oo u jaheystay afaafka hore ee ay isku horfadhiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa Xarakada Alshabaab.
Xarakada Alshabaab ayaa iyagu dhankooda diyaargarowgii ugu danbeeyay ugu jira in ay ka hortagaan weeraro kaga yimaada dhanka ciidamada dowladda iyo ururka Raaskaambooni iyadoona dhawaan degmada Afmadow ay soo gaareen ciidamo tiro badan iyo gaadiid dagaal oo ka yimid dhanka magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.
Shacabka ku dhaqan degmada Afmadow iyo deegaanada ku dhow dhow ayaa iyagu wallaac ka muujiyay xiisadahan dagaal ee dib uga soo cusboonaaday Gobolka J/hoose, iyadoona dagaal dhawaan ka dhacay nawaaxiga Afmadow oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Xarakada Alshabaab uu sababay Barakac aad u xoogan oo ay sameeyeen qaar katirsan dadkii ku dhaqnaa deegaanada lagu dagaalamay ee Gobolka J/hoose.

giriyaadnews kismayo somaliya

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: