• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Ugaasnimo kumay iman jirin laablakac iyo qardojeex By: Nassir Osman


undefinedWaxaan marka hore salaamayaa dhamaan umadda muslinka ah meel kasta oo ay joogaanba waxaanan leeyahay Ramadaan Kariim. Marka dib loo jaleeco taariikhda waxaynu ka wada dharagsan nahay in Gadabuursi ay soo martay fursado badan oo dahabiya iyo waqtiyo ay lahaayeen dalad guud oo laga midaysan yahay una shaqaynaysay sidii boqortooyadii Ingiriiska oo kale, taasoo keentay inay awoodeedu gaadho dhamman Geeska Africa iyo sadexda dal ee aynu ku noolnahay sida Ethiopia, Somaliland iyo Djibouti.

Balse taasi ma noqonin mid waarta kadib markii uu ku yimid burbur iyo khilaaf soo kala dhexgalay Hogaankii sare ee Ugaasnimada oo u kala go’ay laba qaybood oo ka kala taliya Ethiopia oo uu ka talin jiray Ugaas Nuur iyo Ugaas Cilmi oo ka talinaayay dhinaca Somaliland. Burburkaas ku yimid Hogaanka Guud wuxuu sababay in ugaasnimadii meesha ka baxdo taas oo dhalisay in nimankii ku abtirsanayay silsiladaas sida Ugaas Doodi iyo Rooble oo ahaa inan iyo aabihii ay noqdaan kuwa u adeega xukunkii Xayle Salaase, dhibtooduna waxay gaadhay heer ah inay is ka riixaan himilooyinkii guud kuna talaabsaday arimo badan oo hadimooyin reebay.

Tusaale ahaan si ay ugu dhawaadan Boqorka xabashida waxay aas-aaseen kooxo hubaysan oo loo yaqaanay Wataatar iyagoo dawlada ka dhaadhiciyay in nimanka Wataatarku xoog kaga qaadaan gibirka beeraleyda Gadabursi.

Burburkii iyo dhibaatooyinkii laga dhaxlay waxay keentay in Gadabursi maankiisa ka baxdo wixii la odhan jiray Ugaasnimo , xeerkii iyo sharcigii jirayna sidaa ku lumo.

Hadii aan hoos ugu dhaadhaco dulucda maqaalkan waxa mudan in la isweydiyo horta inuu jiro wax la yidhaa Ugaas intaan la gaadhin cid diidan iyo cid ogolba.

Hadaba haddii aan si yar ookooban uga jawaabo su’aashan iyada ah jawaabtu waa Ugaas majiro marka aan ka dhaqaaqno dhibaatoyinka kor ku xusan. Suaa’asha lafteeda waxa hortay ka jawaabay beelihi dhawaan ku shiray Xeego ee soo saaray goaa’an ku wajahan arrinta Ugaaska. Markay arkeen in u xaalku sidaa yahay waxay xeerbeegtidii shirkii Barakaale oo ka koobnaa 120 xubnood go’aamiyeen Qodobka (19 –J).

Qodobka wuxuu sheegayaa in hogaan guud oo Gadabursi uusan jirin wakhtigan xaadirka ah, sida kaliya ee lagu soo celin karaana ay tahay in shirweyne guud Gadabursi arrintaa ka yeesho.

Dadka qaar baa u macnaystay in Beelahan soo saaray goa’aankas ay ku diidayaan Ugaas jira, balse xaqiiqadu waxay tahay in qodobkan baahi keentay taasoo ah jiritaan la’aanta hogaan guud oo shaqeeya mudo ka badan 100 sanadood .

Waxaan aaminsanahay in haddii Hogaan Guud la rabo in la soo nooleeyo, waxaa waajib ah in loo maro dariiq ka haboon kan qardajeexa ah ee dadka qaarkood ay wadaan, lana raaco kan uu ka dhawaajiyay Shirkii Xeego. Waana sida qudha ee ay ku jirto midnimada iyo wadajirka Gadabuursi oo waajib ay ku tahay inuu u midoobo hawlaha waaweyn ee horyaala wakhtiga xaadirka ah si loo dhiso mustaqbalka fog ee ummadda.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: