• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Beelaha Maxadcase Oo Markale Cadeeyay Mawqifkooda Ku Aadan Hogaan Guud Oo Gadabuursi Helo


giriyaadnews

(giriyaadnews) Beelaha Maxamed Case ayaa markale caddeeyay aragtidooda ku aaddan in la helo ugaas guud oo ay beelaha Samaroon (Gadabuursi) isku raacsanyihiin, waxayna sheegeen inayna mowqifkoodii hore waxba iskabaddelin islamarkaana ay diyaar u yihiin in la helo hoggaan guud oo Samaroon ka dhexeeya haddii arrintaasi loo marayo wada tashi iyo jid dhaqanka waafaqsan.

Golaha dhaqanka Maxamed Case oo soo saaray bayaan ay ku saxeexanyihiin guddoomiyaha iyo xubnaha golahaasi ayaa si kulul u canbaareeyay waxa uu ku tilmaamay ololaha siyaasadaysan ee loogu taageero raadinayo samaynta haggaan dhaqameed mideeya beelaha Samaroon (Gadabuursi), waxaanu tibaaxay bayaanku in dadka habka campaign-ka wax u wadaaayi ay iyagu burburinayaan wadahadalladii iyo dedaalkii loogu jiray in la helo hoggaan –dhaqameed mideeya beelaha Gadabuursi.

Bayaanka golaha dhaqanka beelaha Maxamad Case waxa uu u dhignaa sidan:

“Haddii aannu nahay golaha dhaqanka beelaha Maxamad Case waxaannu halkan ka caddaynaynaa in mowqifkayaga ku aaddan wadahadallada la xidhiidha in la sameeyo ugaas ay beelaha Gadabuursi isku raacsanyihiin ayna habayaraatee waxba iska baddelin, iyada oo uu mowqifkayagu ku caddaa khudbaddii suldaanka guud ee beelaha Maxamad Case, Sul. Ibraahim Jaamac Samatar ee 6dii bishan barakaysan ee Ramadaan uu ka jeediyay Huteel Rayska Borama kuna tibaaxay lagama maarmaannimada in ay dhammaan beelaha Gadabuursi wadatashi ka yeesheen hoggaankooda dhaqanka islamarkaana la qoro distoorkii iyo xeerarkii dhaqan ahaan lagu maamuli lahaa ummadda.

Haseyeeshee waxa nasiib darro ah inay soo baxayaan tallaabooyin sidii campaign-ka u socda oo ay wadaan xubno hab qarsoodi ah beelaha ugu dhex dhacaya dad gaar ahna haldhabaalaysanaya, arrintaasina waa mid si buuxda u garab marsan dhaqanka una muuqata ololihii xisbiyada iyo siyaasad, aadna u fogaynaysa rajadii laga qabay in ay beelaha Gadabuursi yeeshaan hoggaan dhaqmeed la isku raacsanyahay.
Si kastaba ha ahaatee annagu waxaannu halkan kaga dhawaaqaynaa in mowqifkayagu yahay midkii hore ee soo baxay 6dii Ramadaan, waxaanan caddaynaynaa in aannaan diidanayn balse aannu diyaar u nahay in Gadabuursi yeesho ugaas guud haddii hab dhaqanka waafaqsan loo soo xulayo loogana wadatashanayo.

Ugu danbayn, waxannu caddaynaynaa in dadka arrintan siyaasadaynayaayi ay iyagu gacmahooda ku burburinayaan natiijo la`aanna ku soo afjarayaan wadahadalladii iyo dedaalkii loogu jiray in la helo hoggaan-dhaqameed guud oo ay beelaha Gadabuursi isku raacsanyihiin”.

Waxa bayaankan soo saaray xubnaha golaha dhaqanka beelaha Maxamad Case oo kala ah:

1. Sul. Ibraahim Jaamac Samatar (Suldaanka guud ahna guddoomiyaha golahan)
2. Sul. Daahir Cismaan Cilmi
3. Sul. Muuse Cilmi Dugsiiye
4. Chief-caaqil Tukaale Riiraash Shirdoon
5. Chief-caaqil Muuse Xuseen Faatax
6. Chief-caaqil Cige Ibraahim Cadar
7. Chief-caaqil Cumar Cali Jibriil
8. Oday Barkhad Cumar X. Khayre
9. Caaqil Sh. Maxamuud Caateeye Faahiye
10. Caaqil Idriis Axmad Buux
11. Caaqil Cismaan Barkhad Xirsi
12. Oday Xuseen Nuur Kooshin (Malow)
13. Oday Xasan Caynaan Buux
14. Oday C/Raxmaan Camir Bade
15. Oday C/Laahi Aadan Maxamad
16. Oday Muuse Ceelaabe Abaar
17. Oday C/Laahi Xasan Cali
18. Oday Muuse Sh. C/Laahi Abaar
19. Oday Cabdillaahi Xuseen Allaale
20. Oday Abiib Jaamac Muxumad

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: