• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Masuuliyin Ka tirsan Somaliland oo Ku Xirnaa Xabsiga Garoowe oo la xukumay August 25, 2011 /


giriyaadnews garoowe  Maxkamada darajada koowaad ee Garoowe ayaa maanta la horkeenay ilaa 9-qof oo dhowaan Ciidamada Puntland kasoo qabteen aaga Tuulada Taleex ee gobolka Sool kuwa oo maamulka Somaliland u qaabilsanaa gobolka Sool.

Gudoonka maxkamada ayaa dhageystay dacwada usoo gudbiyey Xeer ilaaliyaha maxkamada oo la xirrirtay in ay kusoo gudbeen Tuulada Taleex oo ay sheegeen in ay ka tirsan tahay Puntland.

Gudoomiyaha Maxkamada Sheikh Cabdinuur Jaamac ayaa ku dhawaaqay xukunka ay muteysanayeen eedeysaneyaasha la horkeenay maxkamada oo isugu jirey masuuliyin iyo Ciidankii lala soo qabtay,waxaana maxkamada masuuliyinta ay ku xukuntey midkii 10-sano oo xarig ah halka Ciidankii lagu xukumey midkii 5-sano.

Maxkamada ayaa dhinaca kale ku dhawaaqday in gaadiidkii iyo hubkii ay wateen oo ay Ciidanku soo qabteen ay la wareegayso Dowladda Puntland.

Mid kamid ah eedeysaneyaasha ayay maxkamadu sii deysay kadib markii wax dambi ah lagu waayey laguna tilmaamay inuu ahaa qof shacab ah.

Taliyaha aaga Sool ee maamulka Somaliland oo isna kamid ahaa ragii lasoo qabtay ayaan kasoo hormuuqan maxkamada isla markaana weli lagu hayo xabsi.

 giriyaadnews garoowe

 

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: