• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Deeqdii Lacageed Ee Ugu Horeysay Ee Ka Timaada Waqooyiga America Iyo Iskandanifiyinka Oo Soo Gaadhay Ururka ASARDA+SAWIRO+VIDEO


undefinedBoorama-(giriyaadnews) Deeqdii lacageed ee  ugu horeysay ee ka timaada jaaliyadaha gobolada Awdal/Salal ee dalalka Norway Iyo Magaalada Colombus ee gobolka Ohaayee ee cariga Maraykanka ayaa maanta soo gaadhay hay’ada horumarinta wadooyinka gobolada Awdal/Salal ee Asarada.

Deeqdan lacageed oo dhanayd 14,300$ afar iyo tobankun iyo seddex boqol oo doolar marka la isku diro, waxaana ay labadan jaaliyadood u kala bixiyeen, jaaliyada Norway oo uu ka wakiil ahaa wihiib jaamac wacay ayaa waxa ay dhanayd 10,000$ oo Doolarka maraykanka, halka jaaliyada colombus ay iyagna soo direen lacag dhan 4,300$.

Munaasabadii deeqdan lagu wareejinayay ayaa waxaa halkaas hadalo ka soo jeediyay gudoomiyaha ururkan Asarda Prof Xasan Cali Cismaan waxa uuna mahadnaq  balaadhan oo aan la soo koobi karin hawada u mariyay jaaliyadahan isa soo xilqaamay waxa uuna kula dardaarmay in ay sii joogteeyaan  wax ku darsashada wadadan dhismaheedu gabogabada yahay.

sidoo kale waxaa iyagna hadalo mahadnaqa ka soo jeediyay , Sheekhul baladka gobolada Awadal/Salal  sheekh C/laahi Sheekh Cali Jawhar,Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal, Mu’min Jaamac Samaale waxa ayna dhamaantood u mahadnaqeen jaaliyadahan deeqda lacageed soo gaadhsiiyay ururka Asarda, waxa ayna illaahay uga baryeen in miisaanka xasanaadka ugu diro maalinta qiyaamo.

Ugu danbayn waxaa halkaas hadalo ka soo jeediyay  Wihiib Jaamac Wacays oo ka wakiil ahaa deeqdan lacageed ee ka timid dalka Norwayn waxa uuna sheegay in tani ayna noqonayn tii ugu danbaysay ayse sii joogtayn doonaan tabarucaadka ay wadadan kaga qayb qaadanayaan tan iyo inta ay dhamaanayso.

Si kastaba ha ahaatee wadadan oo ay socoto wajigeedii labaad qayb ka mid ahna maantaba ay gaadiidku mareen ayaa deeqdani ku soo beegantay xili aad loogu baahan yahay, waxaana  la filayaa in ay soo gabo gabowdo bishan fooda inagu soo haysa wajigan labaad oo dhan afar Km.

Wargalin Gaaban Oo Ka Timid Hay’ada ASARDA.

Dhamaan Cid walba oo danaynaysa dhamaystirka wadadan in ay kaga qayb qaadato waxaad tabarucaadkaaga ku soo diri kartaa Barnaamujka ZAADKA adiga oo soo diri kara Hal Doolar si ay u dhamaystiranto wadadani kuna soo dir Number ZAADKA 400059

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

Short URL: http://booramaonline.com/?p

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: