• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Lughaya Waxay Xukuumada Uga Fadhidaa In Gobol Loo Magacaabo Mana jirto Cid Ka Been Sheegi Karta Xuduudaheega….. Sul Abshir Maxamed Ducaale


Tan iyo intii ay Somaliland gooni isku taagtay  isbadalo badan oo balaadhan ayaa kadhacay  dalka,isbedeladaas oo taabtay dhinacyada siyaasada, dhaqanka, degaanka iyo arimaha bulshada, hadaba hadii aan u soo noqdo ujeedada  mawuucaygu yahay waxaa dalka ka samaysmay  gobolo badan iyo waliba dagmooyin badan  marka aad u fiirsato   waxa aad arkaysaa  qaar aan munaasib ahayn oo la magacaabay iyadooaad arkayso  qaar kale oo u qalama oo aan wali mudnaantoodii la siinin. Kuwaas oo ay ka mid tahay degmada balaadhan ee Lughaya oo wali ku hoos jirta G/Awdal iyada oo la ogsoon yahay in degmada Lughaya ay tahay degmada ugu balaadhan guud ahaan degmooyinka dalka oo dhan iyada oo ay muuqato inay hagradeen xukuumadihii dalka hogaankiisa isaga daba xigay isla markaana aanay jirin wax ay ka qabteen hormarka degmadu u baahan tahay. 

Waxa aan leeyahay Lughaya waxa ay u qalantay in gobol loo magacaabo balse lama siin gobolkii ay u qalantay. Waxana aan ka  codsanaynaa xukuumada cusub ee madaxwayne Siilaanyo hogaasho  in gobolka ugu horeeya ee ay bixin doonaan ay u aqoonsadaan degmada Lughaya, waxana aan aad ugu rajo waynahay  inay  talaadaas qaadan doonto xukuumadu.

Waxa kale oo aan u sheegaynaa  dadka aan walaalaha nahay  eedaga daabiyado kamid ah dagmada Lughaya oo ay maalmihii ugu dambaysay ka soo yeedhayeen hadalo ay ku qorayeen Joornaalada iyaga oo leh Daabiyadahaas  nooga dhiga Gobol iskii u taagan ama kama tirsanin Lughaya ee waxa aan ka tirsanahay Maroodi jeex, hadaladaas oo ah kuwo isburinaya  oo aan sal iyo raad toona lahayn, waxana  aan ku ha xumaynina waalnimada iyo dawladnimada hana ka dhigina  xuduudaha dagmooyinka iyo gobolada  kuwo beeleed oo aan socdimo caalami ah oo kala soocda lahayn hana idin deeqdo dawladnimada  iyo qaranimada Somaliland .

Waxa kale oo la yaab leh oo aan had iyo jeer maqalnaa iyaga oo dood aansal iyo raad lahayn kuna qotonta qabyaalad iyo riyo aan meel fog aaadhsiisnayn ku waramaya murana galinaya xuduudihii 60 kii ee gobolada  waxana ay yidhaahdaan Hayadta   iyo Cabdi Geedi  ayuu xadku maryaa waana wax lala yaabo inay dadka qaar ka soo yeedho xuduudaha degmooyinka iyo goboladu degaanadaas ayay mari jireen.

Waxana aan jawaabta ugu soo koobayaa waa wax lala yaabo hadaladaas ka soo yeedhaya dadka sheeganaya inay degaan degaanadaasi sare eeka daaya ka beensheega xuduudaha, isla markaana ogaada in diiwaanka ay ku qoran tahay xaqiiqda xuduudaha ee dalka oo dhani idinkana ay idiin haboontahay inaad sumacada dhawrataan kana fogaataan waxwalba oo umada isku diraya isla markaana abuurikara khilaaf hor leh oo umada walaalaha ah soo kala dhex gala, talaabada haboon ee maasha taalaana ay tahay in anaga oo is kaashanayna aan u dhaqaaqno dhinaca wax wada qabsiga isla markaana aad nagu daba istaagtaan sidii aan u dooni lahayn in xukuumadu ay Lughaya u magacawdo gobol iskii u taagan oo ku soo kordha gobolada dalka jamhuuriyada Somaliland 

giriyaadnews lughaya somaliland

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: