• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Jaaliyada Gobolada Awdal/Salal Oo Deeq Lacageed U Soo Diray 25Qoys Oo Iskugu Jiro Agoon Iyo Danyaro Magaalada Borama+SAWIRO


Boorama-(giriyaadnews) 25 Qoys oo  ka mid ah qoysaska agoonta iyo danyarta ah ee ku nool magaalada Boorama ayaa maanta la gudoonsiiyay deeq dhara oo ka timid jaaliyada gobolada Awdal/Salal ee dalka Australia gaar ahaan magaalada Melbourne.

Deeqdan oo ay ka wakiil ahaayeen Sheekhul baladka gobolada Awdal/Salal Sh/C/laahi Sheekh Cali Jawhar ,Xasan Sheekh C/raxmaan Cilmi iyo Ganacsade Xaaji Axmed Miisaan ayaa si habsamiya loogu gudoonsiiyay qoysaskii u yeesha nasiibka .

Munaasabadan gudoonsiinta oo ka dhacday dugsiga hoose dhexe ee Sh/Cali Jawhar ayaa ugu horeyn waxaa halkaas hadalo mahadnaq iyo duco ah u soo jeediyay sheekh C/laahi waxa uuna illaahay uga baryaya in miisaanka xasanaadka ugu daro walaalahoodan ay ka soo farxiyeen, waxa uuna ugu baaqay jaaliyadaha kalena in ay sidaas si la mid ah sameeyaan.

Waxaa iyagna hadalo mahadnaqa munaasabadaas ka soo jeediyay Xaaji Axmed Miisaan Iyo Xasan Sheekh C/raxmaan Sheekh Cilmi waxa ayna illaahay uga baryeen in badal khayrqabo siiyo dadkii deeqdan soo diray illaahayna uga baryeen in uu miisaanka xasanaadka ugu daro maalinta qiyaao wixii ay la soo baxeen.

Sidoo kale waxaa iyagna halkaas ka hadlay qaar ka mid ah waalidiintii goobtaas ku sugnaa  kuwaas oo iyagna mahadnaq aad u balaadhan hawada u mariyay jaaliyadan soo xasuusatay xili ay kaalmadooda u baahnaayeen.

Si kastaba ha ahaatee deeqdan ka timid jaaliyadan ayaa xiligan oo kale sanad walba timaada iyada oo looga faa’iideeyo dadka danyarta iyo agoomaha ah ee u baahan kaalmada xiligan adag ee lagu jiro.”

Reporter:Jaabir Ali Omer

Boorama/Office/Somaliland

jaabiryare1@gmail.com

undefined

Short URL: http://booramaonline.com/?p=888

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: