• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Dad u ololeeya xuquuqda Aadamaha oo fadhigoodu yahay USA, oo dawladda Somaliland u soo jeedinaya in la baadho sababta loo xidhay Oday dhaqameedyada iyo aqoon yahan ( Canadian) reer Awdal


giriyaadnews – Washington – Shakhsiyaad u ololeeya xuquuqda aadamaha oo nala soo xidhiidhay, hase yeeshee ka gaabsaday in ay magacooda sheegaan, fadhigeeduna yahay dalka Maraykanka, ayaa dawladda Somaliland gaar ahaan Madaxweynaha Ahmed M Siilaanyo iyo hay’adihiisa sharciga u soo jeedinaya in la baadho, ciddii ka dambeysey xadhigga la sheegay in loo geystay oday dhaqameedyo iyo aqoon yahan ku hawlanaa soo dhaweynta Ugaaska beelaha Gadabuursi, warqad naga soo gaadhay shakhsiyaadkaasina sidan ayey u qorrayd:

KU: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

OG: Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland

OG: Ku Simaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

OG: Xeer Ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Qaranka J/Somaliland.

OG: Guddi Hoosaadyada Hay’adaha Sharciga ee Golayaasha Qaranka J/Sland.

OG: Taliyaha Ciidammada Madaniga (Police) ee Somaliland.

Annaga oo ku hadlayna magacayaga una hadlayna oday dhaqameedyada iyo aqoon yahan magacyadooda la kala yidhaa:  Suldaan Abdirahman ( Suldaanka reer Maxamadka) , Dr. Abiib Abdillaahi ( Dhakhtar la socday Ugaaska oo laga qabtay Hotel Hargeysa ku yaalla, dhalashadiisuna Canadian tahay) iyo  Xabaaldiid ( oo ka mid ah oday dhaqameedyada Samarroon ), ee sida aan maqallay loo xidhay  sifo aan sharciga waafaqsanayn, laguna xidhay Hargeysa iyo Borama iyaga oo ku guda jira qaban qaabo iyo barnaamij farxadeed oo lagu soo dhaweynayo Ugaaska Beelaha Gadabuursi.

Arrintaa fool xumada ku ah hab dhaqanka siyaasadeed ee dawladda Somaliland ayaan Madaxweynaha iyo hay’adaha kor ku xusan ka codsanaynaa in sida ay ku dhacday ummadda looga qanciyo, ciddii ka dambeyseyna sida ugu dhakhso badan sharciga loo horkeeno.

Waxan lawada soconnaa, oo aan ka dheregsannahay in Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble uu dhawaan iman doono dalka Jamhuuriyadda Somaliland, lana wado abaabul lagu soo dhaweynayo oo aan ku koobnayn uun gobollada uu u dhashay, laakiin uu abaabulku ka socdo dhammaanba gobollada Somaliland.

Ugaaska oo immiga ku sugan dalka Itoobiya, ayaa hore uga soo kicitimay dalka Kanada oo uu deggenaa muddo aad u dheer. Waxana immiga uu u socdaa, sidii ay beelaha uu Ugaaska u yahay ay dalalka Itoobiya, Djabouti iyo Somalilandba ugala shaqayn lahaayeen dawlad wanaagga, horumarka iyo midnimada ummadda. Ka shacab ahaanna ay u heli lahaayeen xuquuqdooda oo dhinac kasta ah.

Iyada oo loo hiillinayo nabadda, iyo nidaamka dawladnimo, waxa aan ka biyo diidnay in shakhsiyaad dawladda ku jiraa ay sharciga dalka u adeegsadaan dano gaar iyo dibin daabyo, waxanan u sheegaynaa shakhsiyaadka arrintan xadhigga ku kacay in ay shacabku kala xisaabtamayaan, oo aan dib looga joogsanayn in caalamka loo soo bandhigo. Laakiin aan maanta ka war sugayno in ay Madaxweynaha iyo hay’aadka sharcigu si deg deg ah wax uga qabtaan, dadka falkaasi geysteyna ay sharciga horkeenaan.

Annaga oo og in dadka ka dambeeyey xadhigga odayadan,  haddana ku deg degi mayno in aan magacyadooda iyo mansabka ay dalka ka hayaan u gudbinno Saxaafadda. Laakiin haddii laga maarmi waayo, waxa aan ka soo saaraynaa bayaan dheer oo kallifa in ay golayaasha dawladda Somaliland tallaabo sharci ka qaaddo.

Uma hadlayno beel iyo shakhsiyaad gaar ah, ee waxan u hadlaynaa xaquuqda muwaadinka iyo sharciga oo la tixgeliyo. Iyada oo aan xorriyadda qofka aan la duudsiyey, heer kasta iyo gobol kasta oo uu dalka Somaliland kaga sugan yahay.

Waad mahadsan tihiin.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: