• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Madaxweynaha Jabuuti Ismacil Cumar Geele Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu Aqoonsanyahay Golaha Kacdoonka Libya Ee NTC


Aug 29, 2011 (giriyaadnews) – Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa cadeeyay mawqifka dawladiisu ka taagan tahay mushkilada ka taagan dalka Libya, mawqufkaana wuxuu ka sheegay shirkii bishan 25-26keedii ka dhacay magaalada Addis-Ababa.

Qudbad Madaxweynuhu ka akhriyay shir ay isugu yimaadeen Golaha Nabada iyo Nabadsugida ee Midowga Afrika ayuu ku sheegay in dawladiisu aqoonsantahay Golaha ku meel Gaadhka ah ee Libya.

“Jamhuuriyada Jabuuti ma laba-labayn inay Golaha Qaranka ee Kalaguurka u aqoonsato tan qudha ee rasmi ahaan u matasha dalka iyo shacbiga Libya ilaa inta ay dadka reer Libya dooranayaan cidda ay u igmanayaan hogaaminta dalkooda” ayaa ka mid ahaa ereyadii Madaxweyne Geele.

Madaxweynuhu wuxuu ka dhawaajiyay qabshasada kooxaha kacdoonku qabsadeen Tripoli iyo magaalooyin badan, « dadbadan oo walaalaheen reer libya ahina dhinteen»

Ismaciil Cumar Geele wuxuu intaa ku daray : « Maadaamow xaqiiqooyin cusub ina horyaalaan, gudihiina wax badan iska badaleen waxaa waajib ah in Golaha Ku meel gaadhka ah loo aqoonsado inay yihiin hogaanka qudha ee matali kara ummada Libya ilaa intay dadkaasi si xor ah u dooran doonaan dadkii iyaga matalilahaa ». Wuxuu intaa ku daray in Midowga Afrika looga baahan yahay inuu Golahaa kala guurka isbarbar taago sidii nabad degdeg ah loogu soo dabaali lahaa libya.

Madaxweyne Geele wuxuu waliba baaq u jeediyay bulshada caalamka isagoo ugu baaqay inay xoojiyaan dadaalka loogu jiro nabadaynta Libya iyo inay daboolaan baahida gurmad degdeg ah oo dadka reer Libya u baahan yihiin. Madaxweynuhu waxaa hadalkiisa ku jirtay in taariikhda Libya qormayso maalmaha soo socda.

Madaxweynuhu wuxuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay in bulshada calamku karti u yeelato la jaanqaadka himilooyinka reer Libya iyo Golaha kala guurka ee hogaanka u haya.

giriyaadnews djibouti

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: