• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Madaxweyne Shariif Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Xarunta Puntalnd Ee Garoowe Lana Kulmay Ambasador Mahiiga Oo Isuguna yimid + Sawiro


Aug 27, 2011 Garoowe(giriyaadnews) – Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa markii u horeysay booqasho ku tagay Magaalada Garowe ee Xarunta Puntland, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay Madaxweynaha iyo wafdigiisa.


Wafdiga Madaxweyne oo ay ka mid ahaayeen xubno ka tirsan Dowladda, Saraakiil iyo Ciidamo gaar ah oo isugu jira kuwa AMISOM iyo kuwa Dowladda ayaa Diyaarad gaar ahi ka dejisay Garoonka Garowe, iyadoo markii halkaas ay ka dageen si heer sare ah loogu soo dhoweeyay.

Madaxweynaha ayaa durba kormeeray xeryaha barakacayaasha iyo Isbitaalka Magaalada Garowe, waxaana Madaxweynaha si layaab ah uu iskiis u go’aansaday inuu socod ku maro wadooyinka Garowe, ilaa Hal KM ayuu socod ku maray.

Ka sokow safarka Madaxweynaha ayaa waxaa iyana Garowe ka degay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Agoustine Mahiga.

War hada na soo gaaray ayaa sheegaya in haatan Xarunta Madaxtooyada Puntland uu kulan albaabada u xiran ay ku leeyihiin Madaxweyne Shariif, Ra’iisul Wasaarihiisa C/wali Gaas, Madaxweynaha Puntland iyo Wakiilka Qaramada Midoobey.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: