• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Tartankii Kubada Cagta Bisha Ramadaan Ee Garoonka British Ee Magaaalada Hargeysa Oo Lasoo Gaba-gabeeyey


Aug 28, 2011 Hargeysa(giriyaadnews) – Tartankii koobka bisha ramadaan ee groonka british ee xaafada jigjiga yar ee magaalada hargeysa ayaa saaka xaflad balaadhan oo lagusoo gabogabaynaayey loogu qabtey Xarunta Dhllinyarada Ee Ururka Wadaniga Ah Ee ODHA.


Xafladan gabogabada tartankan oo ay maalgalisey hayada wadaniga ah Ee ODHA ayaa waxaa kasoo qayb galley Gudoomiyaha Hayada Wadaniga Ah Ee ODHA Marwo Faadumo Siciid Ibraahim,Xasan Waraabacade oo kamid ah qurbajooga Somaliland Ee Kunool Norwey oo intabadan u olaleeya arimaha dhallinyarada qaybwayna ka geesta caawinta dhallinyarada ciyaaraha.gudoomiyaha tartankan qabanqaabinaayey Md Aadan iyo kooxdii ku guulasatey tartankan ee fc Horyaal iyo martisharaf kalle.

Ugu horey Gudomiyihii Gudida qabanqaabda garoonka British ee koobka ramadaan Md Aadan oo halakasi kahadley ayaa u mahadnaqey Marwo Faadumo Siciid Oo kafaalaqaadey tartanka islamarkaana marwalba qayb wayn kaqaadata arimaha ciyaraha iyo dhalinyarada.waxaa uua adan sheegey in tartankani ooka duwanaa tartanada kalle ee magaalada kasocdey iyadoo tartankan lagu ciyaaraayey garoon ay kuyaalaan biraha yar yar ee lagu ciyaaraa tobobarka iyadoo garoonkanalagu galaayey koox kooban waxaan tartankan oo bilaabmey 2 ramadaan ka qayb galley 12 kooxood waxaanu noqdey tartana aad loo xiiseeyo waxaana kasooq aybgalley tartankani kooxo kayimid daafaha kalla duwan ee magaalada Hargeysa.

Md Aadan waxaa uu intaasi kudarey in intii tartankani socdey aaney wax rabshado ahi kadhicin tartankiina ay soo gabogabeeyee 26 Ramadaan iyadoo ay tartankan ay ku guuleysatey kooxda FcHoryaal oo iyadu noqtey horyaalkoo tartanka.waxaa uu gabo gabadii uu aadan umahad naqeu Ururka Odha,Xasan Waraabacade,iyo garsoorayaashii wadey hawsha garoonka waxaanu sheegey iney sanadkasta bisha ramadaan qaban doonaan tartankan.

Sidoo kalle waxaa iyadna munaaisabdaasi kahadashey Gudoomiyaha Hayada Wadaniga Ee ODHA oo tartankani maalgelisey waxaaney Marwo Faadumo Siciid Umahadnaqdey dhallinyarada sida fiican ee ay usoo gabogabeeyeen tartankii iyadoo halbalyeysay kooxda Fc Horyaal Ee Tartankani ku guulasatey.

waxaaney marwo faadumo siciid ku dheeraatey muhiimada ay leedahey in dhallinyarada la dhiiri geliyo iadoo xustey in ururka odha gacan qabto dhalinyaro badan oo ka kalla yimaada daafaha Hargeysa.
Marwo Faadumo Siciid waxaa intaa kudartey in dhallinyarda looga baahan yahey iney ilaaliyaan akhlaaqiyaad ciyaaraha si iaydna loogu dhiirigeliyo in lahorumariyo waxaaney gabogabadii sheegtey iney sii wadi doonto taageerida dhallinyarada Somaliland.

gabogabadii Xafladaaasi waxaa kahadley Md Xasan Waraabacade oo kamid ah qurbajooga somaliland ee dalka kunool ee intabadan ka qaybqaadata horumarka SOMALILAND.

Md Xasan waxaa uu dhallinayarada somaliland ugubaaqey iney horumariyaan ciyaarah oo sifiican ay uga ciyaraan garoomada ilalaiyaan anshaxa ciyaaraha.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: