• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Ugaaska Gadabuursi Waa Astaanta Midnimada iyo Wadajirkiisa


giriyaadnews.com

Maqaalkan hoos ku qoran waxa aan qoray sannadkii 2010 ka,  waxanan sii odorasayey (Saadalinayey) in Ugaasnimadii Gadabuursi la soo celiyo oo boodhka laga jafo …Ilaahay Xamdigii maanta  arintaasi meel fiican bay Maraysa …Ugaaskii Gadabuursina waxa si weyn maanta loogu soo dhaweeyey London, Addisaba  iyo  Magaalo madaxda Jigjiga isaga oo Sawirkiisa la sudhay Hoolkii Martida ee Jigjiga, halkaasi oo lagu soo dhaweeyey  iyo Gurigii Ugaasku  uu deggenaa dacalladiisa iyo jidadka waayeyn intaba. isla markaana looma  kala hadhin soo dhaweyntiisa Xukuumad iyo shacbiba(Check the pictures & information at Awdal state &Saylac.com awdalpress, Heemaal.com,Awdalnation as well as the You Tube ) …
Waxa Ugaaska iyo wafdigiisaba dhawaan laga sugayaa Xarunta Awdal ee Borama..halkaasi oo la filayo inaan loo kala hadhin soo dhaweynta Ugaaska Gadabuursi Ugaas Cabdi-rashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi Ugaas Nour……..

Dhiirane.

 Waana kan qoraal aan qoray Sanad ka hor:

Gabaygani hoosta ku qoran waxa tiriyey (Camaje 1945..Darood) asagoo ka hadlaya Dhibtii ay keentay buburki Boqortooyadii Gadabuursi:Check Appendix 1  The Lost Dynasty.

Daheeye iyo Ina Qoofilow Duul Idiin Taliye ..Dariiqaad ka soo qaadateen daar Ibliis Galaye .

Doofaar Ma Galo Kayn Hadduu sheekh ka daalaco eh ..Danbas buu harraatiyey ninkii Doqon wax taartaaye.

Gadabuursi Boqor doobir laa daadahayn jiraye ..Dixda Faafan  Dooxada Jigjiga ilaa baduu daadsanaan jiraye

DAWLAD WEYN BAY AHAAN JIREEN OO LAGA DAMBEEYAAYE..(The Lost Dynasty..The untold History of Northern Somalia  By Muse .Elmi.  Ali, 2011  )

Ugaasnimada ama boqortooyada Gadabuursi ee qarniyaasha soo jirtay weli way Jirtaa oo raggii kasoo tafiirmay ayaa reer dhan ah  maanta ah ….. Reer Ugaas .Ugaaskii u dambeeyey tafiirtisii way joogaan oo Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi ayaa  Ottawa ku nool muddaba dalkan Canada.
Haddaba,  waxa loo baahanyahay in Ugaasku Dhulkii Tago  guurtidiisii oo 100 ka ahaydna abaabulo.Dhadhaaradiina  waxay noqon karaan  Suldaanada  guud ee beelaha Gadabuursi iyo Culimada ,aqoonyahanka iyo waxgarad dhamaan laga soo xulay beelaha Gadabuursi.
Ugaaska iyo  guurtidaas 100ka  Oday ahi waxa ay goyn doonaan dhammaan talada Gadbuursi: difaac, dhaqaale iyo Siyasadba sidii ay ahaan jirtay beryo.Fadhigooduna waxa uu noqon doonaa Xarunta ama caasimadda Awdal Boorama.

Rag badan ayaa ka hadlay sidii loo soo celin lahaa Ugaasnimadii Gadabuursi oo u ka mid yahay Prof: Jacfar  Dhimbiil( la soco maqaalkan iyo faaladan kooban ee aan raaciyey).

Maqaalkan qiimaha badan ee uu inoo soo qoray Mudane: Jacfar Sheekh   Jamac Dhimbiil oo ah Aqoonyahan Samaron ah oo u dhashay degaanka Gabiley waxa uu inna xasuusinayaa guud ahaan Boqortooyadii Samaron awoodeedii iyo sidii ay u burburtay.Waxa uu Jacfar hore 2009 bilowgii colaadda Ceelberdaale uu inoo soo qoray qoraal Cunwankiisu ahaa (Trabilism At Work :Gabiley Degmo Suga) Jacfar hadda waxa uu ka hadalayaa Ugaaski ugu dambeeyey Ugaas Nour ,Heshiisyadi lala galay isticmaarka iyo ugu dambayntii burburkeedii oo ay sabab u ahayeen gumaystayaashii dhulkeeena qaybsaday oo kala ahaa Ingiriis iyo Amxaaro.Waxa uu ka hadlayaa Jacfar qaabka dhaxaltooyada ah ee ay ku dhisnayd Ugaasnimadii Samaroon oo qarniyaal badan soo jirtay.

Waxaa uu ka hadlayaa Cuqaasha/Suldaannada uu ingiriisku Sameeyey, si uu u adeegsado ka dib buburki boqortooyada Samaroon qarnigii hore bilowgiisii.

Waxa uu soo qaaday tartanka cuqaasha ingirisku sameeyey oo illaa maanta socda inkastoo beesha dhexe ay habkaas caan ku ahayd maadama aanay dhaxal u lahayn Ugaasnimada qadiimka ah ee Gadabuursiga iyo Ciisaha ay leeyihiin.

Haddaba waxyaabaha uu ka hadlayo Jacfar gaar ahaan cuqaasha tartamaysa aad ayey innoo sameeyeen beryahan dambe .

Qoraalkan Jacfar uu gundhugga uga dhigay Maahmaahda ah “Quud an jirin Qoryo u Guratay”,waxana uu inna dareensiinayaa in qaabka cuqaasha ee isku beddelay Suldaannadu uu yahay wax inagu cusub.Hase ahaatee  Gadabuursi arinta u taallaa ay tahay sidii aan u soo noolayn lahayn  boqortooyadii aan dhaxalka u lahayn ee Ingiriisku baabi’iyey haddii la doonayno midnimo iyo hoggaan dhaxal gal ah.

Jacfar oo arintaa ka hadlayaana waxa u yiri:

“More recently the chieftancy is characterized more by competition than by cooperation, especially for those who had no standing chief or clear line of succession. The erosion of traditional values has led to a political system that wants to utilize the chieftaincy as a way to reach political goals rather than recognizing it (the chieftancy) as a functioning organ with independent authority. The highly centralized chief system is worth reviving for those whose leadership was hereditary. For others it would be confusing. These groups would probably do better with independent clan headmen (Caaqils) to lead their respective clans.”

Haddaba, Gadabuursi hawsha u taallaa waxa weeyi in la soo nooleeyo boqortooyadii iyo 100 kii Oday.

JAC FAR SHEIKH JAMA Dhimbiil Waxa ay Walalo ahaayeen Mohamed A,Dhimbiil (Galbeedi) Allaaha U naxariistee…aammiin… oo ahaa nin Qaali ah.Waxanay Xigto  hoose yihiin Suldaan Ibraahim Jaamac Samater  …(Abokor).
Email: sheikhjama@q.com
REFERENCES:
1. The Gadabursi Treaty (concluded December 11, 1884).
2. Drake-Brockman, Ralph, British Somaliland. Mansfield Centre, CT 2007
3. Smith R. H., The Tribes of British Somaliland. Aden, Yemen 1941

4- The Untold History of Northern Somalia By Muse Elmi Ali 2011.Ottawa Canada .

Mohamed dhiiirane (Faallo)

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: