• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Sako Qaybin Aad U Balaadhan Oo Ka maanta Ka Qabsontay Madarasada Sh. Aways Ee Xaafada Saabeeriya Ee Magaalada Boorama


Boorama-(giriyaadnews) Sako Qaybintii ugu balaadhanayd ee ka dhacda magaalada Boorama ayaa maanta ka qabsoontay 

Madarasada Sh. Aways ee Magaalda Boorama, madashan sakada lagu qaybinayay ayaa waxa isugu yimid boqolaal qof oo 
isugu jira danyar iyo masaakiin goobta u yimid si ay au qaataan qaybta kaga soo hagaagtay sakada maanta la 
qaybinayay.
Ugu horayntii ayaa madashana waxa ka hadlay Sh. Aways Sh. Cali Cabdile waxana uu ugu horayn u mahadnaqay Xawaalada 
Camuud. Walaaha qurbaha ee Sweden iyo Australia iyo dadka degen xaafada Saabeeriya ee bariga magaalada Boorama. 
waxana uu tilmaamay in ay hawshan khayriga ah ee aadka u balaadhani qabsoontay kadib markii ay dadka xaafaduhu is 
abaabuleen isla markaana ay taageero xoogan ka heleen dadka walaalahaasi qurbaha, oo ay si gaar ah uga wakiil 
ahaayeen Jaaliyada walaalaha Australia oo uu ka wakiil ahaa Cabdilaahi Aw cali Cismaan Halka walaalaha Jaaliyada 
dalka Sweden uu ka wakiil ahaa Cabdiqaadir Maxamed  Barkadle.
Sh. Aways oo tilmamaya qadarka sakada ah ee ay qaybiyeen iyo dadka ay u qaybiyeen ayaa waxa uu yidhi ” waxa aan wax 
u qaybinay in ka badan 300 oo qof oo masaakiin ah oo aan qofkiiba siinay 8 galaan oo isugu jira bariis, qamadin iyo 
hadhuudh.
Abiibakar Cilmi Cabdilaahi oo isaguna ka mid ah dhalinyarada xaafadaha ee gacanta balaadhan ka gaysatay waxbixitan 
abaabulkeeda ayaa waxa uu tilmaamay in ay hawshan khayriga ah ee maanta qabsoontay tahay mid aad u muhiim ah isla 
markaana muujinaysa sida ay dadka xaafada Saabeeriya ee magaalada Boorama diyaarka ugu yihiin inay maalmaha khayrka 
qaba ilaahay dartii wax ula baxaan.

si kastaba ha ahaatee waxa ay maanta hawshan khayriga ah ee la galay ay ahayd mid dadka ku soo ururay oo u badnaa 
dad danyar ah ay si wayn ugu farxeen sakadan la soo gaadhsiiyay waxana ay talaabadani tahay mid kudayo mudan oo 
hadii ay suuro gasho astaan u ah in la helo bulsho si balaadhan isku kaashanaysa.”

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

Reporter:Jaabir Ali Omer

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: