• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Suxufiyiin Ka Badan Afartameeyo Oo La Gudoonsiiyay Shahaadooyiin Magaalada Borama+SAWIRO


Boorama-(giriyaadnews) Munaasabadn lagu gudoonsiinayay 47 Arday oo dhamaysatay tababar saxaafadeed oo socday mudo laba todobaad ah ayaa maanta la gudoonsiiyay shahaadooyiin  waxaana ka soo qayb galay mas’uuliyiin heer qaran, heer gobol, xildhibaano, salaadiin, dhalinyaro iyo marti sharaf kale.

Waxaa ugu horeyn ka hadlay macalinkii bixinayay tababarkan mudadaas labada todobaad ah waxa uuna sheegay”in tababarkan ay ardaydu ku baranaysay furayaasha saxaafada loona baahan yahay in guriga horey laga sii guda galo, si aqoon dheeraad ah loo helo, waxa uuna ugu danbayn ardaydii u rajeeyay in  ay noqdaan kuwo wixii ay barteen ku camal falkooda dhinaca wanaagsan.”

Sidoo kale waxaa isna halkaas ka hadlay agaasimaha ururka SAYS Nuur Aadam Shirdoon oo ahaa ururka tababarkan la fuliyay shaahid, “waxaana uu u mahadnaqay machadka shaahid iyo macalimiintiisa tababarkan saxaafadeed bixinaysay taas oo uu sheegay in loo baahnaa in tababaro noocanoo kale ah waqti kasta loo qabto wariyayaasha gobolkan oo aanan haysan machado iyo jaamacado lagu barto saxaafada.

Dhanka kale waxaa isna halkaas hadalo ka soo jeediyay Siyaasi Axmed Mu’min Seed waxa uuna ugu horeyn u mahadnaqay ardayda iyo maamulka Machadka Shaahid iyo ururka Says, “Waxa uuna ardayda kula darmaarmay in  ay ilaaliyaan anshaxa saxaafadeed kana shaqeeyaan horumarka goboladooda iyo guud ahaan somalilandba, waxa uuna ugu danbayn fariin u diray qurba jooga ka soo jeeda goboladan Awdal/Salal in ay ka shaqeeyaan horumarka goboladooda iskan joojiyaan dhaqan xumada iyo aflagaadada qaawan ee ay ka wadaan qaar ka mid ah mareegaha ay leeyihiin goboladani.”

Munaasabadan ayaa ugu danbayn  waxaa ka hadlay, Gudoomiyaha Ururka ASARDA,Prof:Xasan Cali Cismaan, Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar,Kusimaha gudoomiyaha Gobolka C/nuur Sugaal, Xasan Ciise Raage,xildhibaan Abiibakar, isuduwaha wasaarada warfaafinta gobolka awdal,Maxamed Cumar Sheekh Ibraahim Iyo Yuusuf Cali Yuusuf Oo ku hadlayay magaca ardayda ayaa waxa ay dhamaantood sheegeen.”in loo baahan yahay in la helo suxufiyiin isku darsaday akhlaaqiyaad suuban iyo aqoon, waxa ayna u mahadnaqeen labadan hay’adood ee iska kaashaday qabsoomida tababarkan.’

Si kastaba ha ahaatee tababarkan oo ay iska kaashadeen ururka dhalinyarada SAYS iyo machadka cilmi baadhista ee Shaahid ayaa waxa uu ku soo gabogaboobey jawi farxad  leh.”

Reporter: Jaabir Ali Omer

Boorama/Office/Somaliland

jaabiryare1@gmail.com
undefined

undefined

 

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

 

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: