• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Urur Loogu Magacdaray GURMAD Oo Ay Samaysteen Dhalinyarada Degaanka Lughaya Oo Lagu Dhawaaqay


Boorama-(giriyaadnews)-Dhalinyarada Beelaha Degaanka degmada Lughaya(Bahabar-muuse) ayaa ku dhawaaqay urur cusub oo samafal dhinaca waxbarashada ah oo loogu Magac daray GURMAD.

Munaasabada lagu shaacinayay ururkan oo ka dhacday xarunta MANA FUEST HOUSE ee Boorama ayaa waxa ka soo qayb galay salaadiin , aqoonyahano waxgarad iyo dhalinyaro aad u tiro badan oo uu ururkrani midayn doono.

Munaasabadana ayaa waxa ugu horayntii ka hadlay Gudoomiyaha ururkan Gurmad Mud. Cabdiraxmaan Siciid Axmed waxana uu ugu horayntii u mahadnaqay ka sooq aybgalayaasha kulankan waxana uu xusay in ujeedada ururkan GURMAD keentay in la furo ay tahay kadibmarkii dhalinyarada degaanka Lughaya ay is tuseen baahida loo qabo in la helo ururr samofal ah oo gacan ka gaysta horumarinta iyo tayaynta waxabarashada, waxana uu yidhi ” Ururkanai ma aha urur siyaasadeed, mid dhaqameed iyo mid dano kale loo isticmaalayo waxana ay ujeedooyinka loo aasaasay yihiin kuwo waxbarasho waxana uu culayska saari doonaa sidii loo tayayn lahaa waxbarashada degaanka Lughaya iyada oo lala kaashanayo cidwalba oo ay khusayso isla makaaana taakulayn loo siin lahaa dhalinyaro badan oo ka soo jeeda degaankaasi isla markaana aanan fursad u helin inay sii wataan waxbarashadooda heerarka kala duwan ah.

Waxa kale oo ka hadlay madashana Gudoomiye Ku Xigeenka Ururka GURMAD Axmed Jaamac Bare waxana uu ka waramay in baahida kobcinta waxbarashada ah ee ay qabaan dadka waxbarashada jecel ee degaanka Lughaya ay tahay mid aad u balaadhan isla markaana loo baahan yahay in la helo cid u damqataoo la mid ah ururka GURMAD, waxa kale oo Mud. Axmed ka waramay in uu ururkani gacan balaadhan ka gaysan doono hawlaha qaban qaabada caleema saarka Suldaanka degaanka Lughaya Sul. Abshir Muxumed Ducaale iyo sidii loo meel marin lahaa baahiyaha dhinaca waxbarashada ah ee ay qabaan dadka degaankaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo Mudan.

Caaqil Yuusuf CIsmaan oo isagauna ka hadlay madashan ayaa waxa uu u mahdnaqay dhalinyarada is xilqaantay ee ururkan samaysatay waxana uu xusay in baahi badan loo qabay in labuuxiyo kaalinta dhainyarada ee hurmarinta bulshada degaandasi

Sul. abshir Muxumed Ducaale oo iagauna ka hadlay Munaasibadaasi ayaa xusay in ururkani iyo ururo kale oo la mid ah in la helo baahi xoogan loo qabo, waxanaoo tilmaamay in Degaanka Lughaya uu yahay degaan aad u balaadhan oo hadana dhinaca waxbarashada  uu ka muuqdo dib u dhac aad u baaladhan waxana uu yidhi ” waxan ka marag kacayaa in degaanka Lughaya uu yahay mid ka mid ah degaanada ugu dib dhacsan dhinaca waxbarashada ee dalka oo dhan waa alle Mahadii hadii la helay dhalinyaro is xilqaantay oo si tabaruc ah ugu damqadaydadkoooda, waan dhiiri galinayaa hawlaha ay hayaan waxana aan qaasatan qurbo jooga ka codsanayaa in lala shaqeeyo ururka GURMAAD, waxana kale oo aan xukuumada ka codsanayaa in ay wax ka qabato hawlaha waxbarashada ee degaankaasi LUghaya.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: