• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Muuqaalka Naxdinta Leh Ee Ay Ku Sugan Yihiin Ardayda Wax Ka Barata Degaan 20KM U Jira Magaalada Boorama+SAWIRO


Boorama-(giriyaadnews.com) Qaar ka mid ah wariyayaasha ka hawlgala shabakadan Booramaonline ayaa maanta booqday iyaga oo ku jira hawl maalmoodkoodii  caadiga ahaa degaan ka tirsan degmada Boorama oo dhinaca galbeed ka xigana una jira qiyaas ahaan 20KM.

Degaankan aan booqanay ayaa waxaan kula kulanay dadwayne tiro badan oo degaankaas ku nool kuwaas oo xaalado qalafsan oo kala duwan ku jira waxaana ay nooga warameen xaaladan ay ku jiraan iyo sida ay ula tacaalaan intaba.

ugu horeyn waxaa warbixin yar oo kooban naga siiyay gudoomiyaha tuuladaas oo magaciisa la yidhaahdo Maxamed Faarax Cigeh waxa uuna ka warbixiyay xaalada ay iminka ku sugan yihiin “oo uu sheegay in aysan haysan meel caruurtoodu wax ku bartaan, goob caafimaad iyo meel cibaado oo aan ka ahayn geedaha hoostooda iyo girgid qudha oo ku taalay goobtaas”.

Gudoomiyaha ayaa ugu danbayn waxa uu sheegay  “hadii dadka tuuladan la soo gaadhsiin waayo baahidaa degdega ah ee ka jirta in ay ka dhalan karto barakac baahsan isaga oo sheegay in tuuladani tahay mid dadwayne aad u tiro badan oo beeralay iyo xoolo dhaqato iskugu jiraa ay ku nool yihiin, loona baahan yahay in baahiyahoodaa loo tixgaliyo”.

Madashan ayaa sidoo kale waxaa iyagna ka hadlay rag iskugu jiray Siyaasiyiin iyo Qurba joog ka yimid magaalada Jabuuti kuwaas oo ka mid ah dadka tuuladan u dhashay waxa ayna kula dardaarmeen in ay samraan ayna fariintan ay dhulka iyo cirkaba u kala diri doonaan kuwaas oo ay sheegeen in ayna waxba hagranayn.

Si kastaba ha ahaatee tuuladan aan booqanay ayaa waxaa ay ishaadu qabanaysay waxyaalo fara badan oo looga garaabayo duruufaha adag ee ku gadaamnaa waxaa ka mid ahaa arday wax ku baranaysay geed hoostii kuwaas oo daasado iyo dhagaxaan ka dhiganayay kuraas,meel masaajid loogu tala galay oo iyadna girgida oo aan qaadi karin wax aan ka badnayn toban qof , goob caafimaad iskaba da hadalkeeda, waxaana ay u baahan yihiin gargaar degdega oo lala soo gaadho si ay baahiyahaas oo dhan wax ka badh uga dhici lahayd.”

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

 

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: