• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Wacdaraha Madasha Bandhiga Cilmiga Iyo Caqliga Iyo Buug La Magac Baxay “Magic Of Reading” Oo lagu Soo Bandhigay+SAWIRO


undefinedBoorama-(giriyaadnews.com) Habeenkii Xalay ahayd ayaa waxaa hoolka wayn ee Jaamacadda Eelo lagu soo bandhigay bandhig cilmiyeed ay soo bandhigeen madasha cilmiga iyo caqliga taas oo uu ayku soo marti qaadeen Sheekh C/Kariim C/laahi yuusuf  ka mid ah musheekhda jabuuti ka timaada waqtiga xagaaga.

Sheekha ayaa waxa uu soo bandhigay kitaab la magac”Magic Of Reading”Kaas oo micnaheedu yahay Akhriska Iyo musixrimadiisa,waqti dheer oo soo jeedinayay buugan ayaa nuxurka ugu muhiimsanaa ee soo jiitay dadwaynihii dhagaysaynayay ayaa ahaa ,odhaahda odhanaysa”Hadaanad waxba qorin waxbana aanad akhirin Lugtaada iyo gacantaadu waa isku mid.”

Bandhigii buugu markii uu dhamaaday ayaa halkaas sheekha waxaa lagu gudoonsiiyay shahaado sharaf ay u soo diyaariyeen mas’uuliyiinta madashan Cilmiga iyo caqligu waxaana gudoonsiiyay gudoomiye Maxamed Cumar Cismaan.

Ka dib shahaado gudoonsiintaa waxaa dhalinyaradii halkaas ka soo qayb gashay loo qaybiyay warqado ay ku qoran yihiin dhawr su’aalood oo khuseeya akhriska, kuwaas oo kala ahaa Imisa saacadood ayaad maalin walba  wax akhridaa? maxaad dareentaa markaad wax akhriyaysid? maxaa kaa horjeooga inaad wax akhrido?

Su’aalahaas Jawaabahooda oo percentage boqolkiiba lagu soo saaray ayaa waxa ay u dhignaayeen sida tan.:

Suaasha Koowaad: Imis saaacadood ayaad wax akridaa maalin kasta? waxaa lagu jawaabay.

60%,in ka badan Saacad 24% in ka yar saacad  ,13%.waxba ma akhriyo maalin kasta.

Su’aasha labaad:Maxaad dareentaa markaad wax akhriyaysaan?

20% Farxad.  10% Qiiro.   14% Caajis  56% Dhiiranaan.

Maxaa Kaa horjooga inaad wax akhrido?

28% Fursan la’aand, 21% Xiisa La’aan .,8% Buug La’aan .32,% Jawi aan ku haboonayn .56%Saboolnimo xaga luqadaha.

Madashan ayaa ugu danbayntii ayaa waxaa isna la gudoonsiyay abaal marin C/naasi Abiib Muxumad Nuur oo ku guulaystay su’aal ay madashu u dirtay ka soo qaybgalayaasha madashan.”

Si kastaba ha ahaatee madashan ayaa waxa ay ka mid tahay madal ay iskugu yimaadaan dhalinta wax ka barata jaamacaddaha iyo dugsiyada sare ee magaalada kuwaas oo isku waydaarsada aqoonta dhexdooda taala, waxaana soo agaasima inta badan arday jaamacaddaha ka baxday iyo kuwo ku jiraba iminka.” 

xigasho giriyaadnews.wordpress

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: