• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Wiil 16jir Ah Oo Ku Dhintay Balayga Daleeda Ee Deg. Baki


Baki-(giriyaadnews)-Alle ha U Naxariistii waxa maant adegaanka degmada Baki ku geeriyooday wiil yar Dayib Muuse Yoonis Haroosh isla markaana ay da’diisu tahay 16 jir. sidan waxa shabakada Lughayapress u xaqiijiyay Agaasimaha Maaliyade ee Degmada Baki Mud. Yuusuf Xasan Ducaale.
Agaasimuhu isaga oo faalaynaya sida uu falkan naxdinta lahi u dhacay ayaa waxa uu yidhi ” Waxa uu wiilkan yar iyo wiilal kale oo la socday u dabaal tageen Balayga Daleeda la yidhaa oo 4km dhinaca galbeed ee looga baxo Xeego ka xiga magaalada Baki, sida ay sheegeen dhalinyaro la dabaalanaysay waxa ku dhagtay dhoobada balayga isla markaana waxa ku geeriyooday halkaasi waxana aad u gaabis ahaa gurmadka dhacdadan waxana laga soo saaray 4tii galabnimo ee maanta.
Waxa aan aad uga xunahay oo aan tacsiyadaynayaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday wiilkan yar waxana aan ka digaynaa qatarta ay leeyihin balayada loo dabaal tagayo waqtigan ay roobabku da’ayaan, xukuumadana waxa aan u sheegaynaa in ay masiibo qaran tahay in la waayay qalab lagu soo saaro maydka wiilkan yar mudo dheerna lagu baadhayay gacmaha isla markaana ay keento degmada qalabka gurmadka oo ay ugu horeeyaan cagafcagafyo.
Alle ha u naxariistee Wiilkan yar ayaa noqonaya qofkii ugu dambeeyay ee ku geeriyooda balayada gobolka Awdal oo inta badan ay dhoobadoodu qabsato caruurta ku dabaalanaysa isla markaana waxa haba yaraatee aanan jirin qalab gurmar oo ay ka mid yihiin cagafcagafyo u gurmada waqtiga ay xaaladu sidaas noqoto.

Faallo u dhaaf