• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Diirada giriyaadnews waxay maanta eegaysaa: Halkay Ku Dambeey- een Arimihii Ugaaska Ee beelaha gadabuursi ee Boorama halkay ku danbeeyeen Maalmahan?


diirada-lughayanews.jpg

Diirada(giriyaadnews)-Su’aal dawayn ayaa la iska waydiinayaa halka ay ku dambeeyeen haladhayntii arimahii Ugaaska ee maalmahii u dambeeyay qabsaday suuqyada magalada Boorama,
maanta xaalka Boorama iyo gobolka Awdal waxa uu la mid yahay mid iska caadi ah waxana mar kaliya meesha ka baxday oo la waayay dagaalkii dhinaca afka ahaa ee ka socday gudaha magaalada Boorama,  waxana caadi ku soo laabtay noloshii, waxana meesha ka baxday hadalkii iyo maalaayacnigii ka dhashay arinka Cabdirashiid Ugaas Rooble oo noqday mid isagu dadka kala fogeeyay.

Waa Alle Mahadii mar hadii dadka gobolka Awdal ay meel iska dhigeen kala kala qaybsanaantii iyo kala aragtiyo duwanaantii maalmahii khayrka qabay ee ramadaan dadka mashquulisay kana dhigtay inyar oo wax doonaysa iyo inta badan oo leh arintu saas maaha.

Waxaa hubaal ah in wixii ka dambeeyay khudbadihii sida onkodka iska so daba dhacayay ee ka soo yeedhay Duqayda Beelaha Maxad Case iyo dhiigooda beelaha Habar Cafaan inay ahaayeen hadalo xaq ah oo uu eebe ugu talo galay inay wax ku qaataan waloolahooda galbinaya Cabdirashiid Ugaas Doodi isla markaana waxa mahad iska leh in hogaamiye dhaqameedkii kale ee hor kacayay arimha Ugaasku ay garawsadaan sida xaalku yahay iyaga oo aan cidna la tashana ay faraha kala baxaan wax walba oo umada kala qaybsanaan u horseedi kara.

Waxaa jira xogo kale oo ay Diirada isha dheer ee giriyaadnews shiishka saartay kuwaas oo muujinaya in arimaha xurguftani ay soo afjarmayaan kadib markii ay xukuumada Somaliland ka war heshay in arimaha Ugaaska ay ku hoos lamaan yihiin afkaaro kale oo qurbaha laga keenay kuwaas oo salka ku haya Awdal State iyo arimo kale oo ku lidi ah nabadgalyada iyo jiritaanka Somaliland, isla markaana waxa jira in ciidamada qalabka sida, kuwa nabad sugida iyo waliba booliska Somaliland lagu amray inay si toos ah u beegsadaan cadawga gudaha iyo kan dibada ee jamhuuriyada Somaliland.

Dhinaca magaalda Jigjiga marka ay Diirada giriyaadnews Liishaanka Saarto waxaa hubaal ah in sida daadka ay wararka iyo waxa ka socda Boorama u gaadhayaan Cabdirshiid Ugaas Rooble kuwaas oo waji gabax ku noqday kadib markii uu garawsaday in doonitaanka shacabku uu yahay mid aan la iska indho tiri Karin isla markaana aanay waqti xaadirkan dadka reer Awdal diyaar u hayan wax walba oo wax u dhimaya qaranimadooda,.

Waxa kale oo la hubaa in Cabdirashiid Ugaas Rooble uu gar naqsaay isaga oo tilmaamay in arinta ugaaska ee uu u socaa aanay ahayn mid cod fartaag ah lagu kala baxayo sida siyaasada oo kale loona baahan yahay in dhaqanka dib loogu celiyo talada iyo rabitaankana uu u daayo umadada reer Awdal/Salal.

Waxa kastaba waxay leeyihiin majare loo maro iyo waliba jid dib loogu celiyo si looga bogto talabixn dhamaanteedna waxa iska leh odaydhaqameedyada hormoodka ah ee taladu ay ka go’do waana  intaas inta uu ku taliyay Cabdirashiid Ugaas Rooble oo la soo wariyay inuu ku talo jiro inuu dib ugu laabto carigii qurbaha ee uu ka yimid isaga oo dardaaran ka dhigay tolkayoow isku duubni ma xama e haloo maro dawga dhaqanka iyo soo yaalkii geed fadhiisiga ee hore loo sheegay inuu astaan ugu ahaa dadka reer Awdal.

giriyaadnews boorama

daawo tanina waa soo dhawayntii xawflad ugaska cabdirashiid ugaas rooble lagu soo dhaweeyay magaalada london ee casimada dalka ingiriiska dawo video

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: