• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Xukuumada Somaliland Oo Dadka Sharci Darada Ku Jooga U Qabatay Mudo 30Cisho Ah


Hargaysa-(giriyaadnews) Maamulka Somaliland oo in mudo ahba u maatmaatiyaysa dadka soo galootiga ah ayaa maanta oo saartay digniin kaba danbaysa ah taas oo u qabatay in ay muddo 30 Cisho gudohood kaga baxaan dadka sharcidarada ku jooga ee aan u dhalan dalka.

dhanka kale waxa ay shacabwaynaha somaliland ugu baaqeen in ay iska ilaaliyaan in ay gabaad ama qariyaan dadka sharci darada ku jooga , cidii taas lagu helana waa sida ay wasaarada arimaha guduhu u sheegtaye in ay sharciga la tiigsan doonaan.

Sidaasi waxa sheegay Ku-simaha Wasiirka Arimaha  gudaha ahana Wasiir ku-xigeenka  Md.Maxamuud  Garaad Soofe, Agaasimaha Guud ee Arimaha Gudaha C/laahi (Black), Agaasimaha Guud ee Did-udajinta Axmed Cilmi Barre, Badhsaabka Gobolka Maroodi-jeex Xamarji,  Mayirka hargeysa ahan Mayirkuxigeenka  Maxamed C/laahi (Urcade) waxayna shirkaasi jara’id ku qabteen Hoolka shirarka ee Wasarada Arimaha Gudaha.

Agaasimaha Guud ee Did-udajinta Axmed Cilmi Barre, ayaa isna dhiniiciisa sheegay in dadka Bila’aa sharciga ku jooga somaliland ay u dhexeyaan 80,000 ilaa 100,000kun, loona bahan yahay in 30Cisho Gudahood dalka kaga baxaan , cidii u hogansami weyda Sharcigaasina ay talaabo ka qaadi dooan.

Si kastaba ha ahaatee hawshan masaafurinta ayaanan taabanayn dadka ka soo barakacay soomaaliya kuwaas oo iyaga la sheegay in loo aqoonsanyahay dad qaxootiya, waxaase diiradu ay saaran tahay kumanaanka kun ee oromada ah ee ku dhex nool guud ahaan somaliland taas oo la filayo in arintani saamayn wayn ku yeel 

giriyaadnews.com  xigasho borama online

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: