• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Borama: Dhexdhexaadintii Culimada Ee Arrimaha Ugaaska Oo Fashilantay


Borama (giriyaadnews)- dhexdhexaadintii ay wadeen 9 xubnood oo ka tirsan culimada magaalada Borama ayaa soo xidhantay kadib markii uu dedaalkii wadaaddadu dheelliyay sida ay wararku sheegayaan.

culimada oo saaka aroortii la kulmay salaadiinta beelaha Maxamad Case iyo Habarcafaan ayaa waxa ay wararku sheegayaan inay culimadu sheegtay in dhinicii ugaaska watay uu ogolaaday wadahadal iyo in arrinta ugaaska lagu soo dabbaalo wadatashi iyo geed dhaqan, hasyeeshee wadaaddadu waxa ay si cad u diideen inay habayaraatee wax farriin ah ama codsi ah ka gudbiyaan salaadiinta.

ilo ku dhawdhaw golayaasha dhaqanka beelaha Maxamad Case iyo Habar Cafaan ayaa sheegaya inay sul. Ibraahim Jaamac Samatar iyo Sul. C/Raxmaan Jaamac Dhawal culimada ka codsadeen inay beesha ugaaska wadata gaadhsiiyaan inay warbaahinta ka sheegaaan inay wadahadal ogolaadeen, haseyeeshee ay wadaaddadii ku jawaabeen: (waxaasi nagama yeelayaan) .

odayaasha dhaqanka ee dhinacyada wadahadalka raba ayaa sidoo kale culimada ka codsaday kadib markii dalabkoodii koobaad laga diiday, waxay ka codsadeen culimada  inay fadhi ballaadhan iyagu (culimadu) u soo qabanqaabiyaan dabadeedna la isku waydaarsado fikradaha iyo aragtiyaha ku saabsan hoggaanka guud ee beelaha Samaroon, haseyeeshee culimada oo afhayeen dhinac u hadlaya u muuqday ayaa ka diiday arrintaasi sida ay warar sugani sheegayaan, inkasta oo ay wadaadaddu dhinaca wadahadalka diiddan ka sideen martiqaad lagu macsuumayo salaadiintan lagagana wada xaajoonayo xaaladaha taagan, salaadiintuna waxa ay diideen inay dhinac ka mid ah dhinacyada wadahadalka marti u noqdaan iyada oo ay dhexdhexaadini socoto.

si kastaba ha ahaatee wali lama hayo wax warar ah oo ay soo saareeen culimadii dhexdhexaadintu, haseyeeshee waxa la aaminsanyahay inay wadahadalladii natiijo la`aan ku dhamaadeen ka hor intaanu wadahadalba furmin.

sida la ogyahay dhexdhexaadintan waxa barbar socday diyaargaraw xooggan oo loogu jiray soo dhawaynta Prof. Cabdi Rashiid Ugaas Doodi oo ku sugan magaalada Jigjiga ee dalka Ethiopia, waana arrinta keentay in ay dhinacyada  wadahadalka rabaayi  codsadaan in warbaahinta laga xaqiijiyo in wadahadalkii loo soo noqday , maadaama markii horeba saxaafadda laga sheegay inaan soo dhawaynta Cabdirashiid cidna loo joojin doonin.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: