• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Wacdarihii Shalay Ee Carwada Da’yarta Somaliland Oo Hargeysa Ku Qabsoontay, Carwo Aan Nooceeda Hore Loo Arag Oo Kulmisay Kumanaan Dhallinyaro Ah‏+SAWIRO


Hargasya-(giriyaadnews) Wasiirka wasaaradda ciyaaraha, Dhallinyarada iyo  dhaqanka ee Somaliland  Md.  Cabdi Siciid Faahiye, ayaa shalay Hotel Crown ee magaalada Hargeysa waxa uu ka furay carwo loogu magac-daray “Carwada Dayarta Somaliland,” taas oo markii ugu horraysay ka qabsoontay Somaliland. Waxa ay ahay carwo nooceeda oo kale ah tii ugu horraysay ee SONYO ku soo bandhigto dalka.

Carwadan oo socotay muddo hal maalin ah waxa soo abaabushay dalladda dhalinyarada Somaliland ee  SONYO oo kaashanaysa GAVO, DOSES of HOPE,  isla markaana ay maalgelisay haya’dda caalamiga ah ee DRC, iyo shirkadda wadaniga ah ee is-gaadhsiinta TELESOM oo iyadu si mug leh SONYO kala qayb qaadatay hir gelinta carwadan caalamiga ah. Carwada waxa ka soo qaybgalay wasiirro, abwaanno, masuuliyiinta ururada soo qabanqaabiyey iyo da’yar kala duwan oo tiradoodu kor-u-dhafaysay kun iyo dhawr boqol oo da’ yar u badan.

Carwadani ayaa lagu soo bandhigay Suugaan kale duwan oo ku saabsan khatarta uu Tahriibku u leeyahay Dhallinyarada, Gabayo Majaajilooyin, Heeso wadaniya Doodo,  Ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka iyo arrimo kale oo tiro badan. Waxaana halkaasi wacdaro ka dhigayn kooxaha SOCSA Group, Havoyoco Circus, kooxda geeddida nabadda, fanaanka weyn ee Nuur Aadan Jaamac (Nuur Daalacay) oo isagu madashaasi si gaar ah u gilgiley shalay kadib markii uu ka qaaday dhawr heesood oo ay ka mid tahay heestii fannaankan sida weyn loogu bartay ee “Waddaniga Dhabta Ah”. 

Furitaankii carwadaasi ugu horrayn waxa ka hadalay wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafka Somaliland Md. Sh. Khaliil Cabdillaahi Axmed, wasiirku waxa uu ku dheeraaday doorka muhiimka ah ee Da’yarta Somaliland ugu jirto mujtamaceeda kale waxaanu sheegay in ay dhallinyaradu tahay cududda is badal ee wax dhisi karta waxna dumin karta sidaa darteed looga baahanyahay dhallinyarada Somaliland in ay noqdaan kuwo wax dhisa. Wasiirku waxa uu dhallinyarada ku ammaanay sida ay dadaalkooda u mideeyeen ee ay isu abaabuleen qaybtoodana ka qaateen ka qayb galka hir gelinta taabba gelinta qaranka Somaliland oo ah qaran curdin ah oo mustaqbal weyn leh. Dhallinyaraduna tahay cududdii maanta ee bulshada wanaaga u hogaamin lahayd. Sheekh Khaliil waxa uu dhallinyarada uga digay dhibaatada tahriibta iyo in ay naftooda biimeeyaan isaga oo si gaar ah ugula dardaarmay in ay cilmiga bartaan oo naftooda iyo dalkooda anfacaan kana fogaadaan dhibaatooyinka balwaduhu kawga ka yihiin. Ugu dambayn Sheekh Khaliil, wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaaftu waxa uu bulshada reer Somaliland uga mahad celiyey sidii diirranayd ee ay uga qayb qaateen qaadhaan ururintii loogu tabarucayay walaalaha Soomaaliya ee aynu jaarka nahay. Dhinaca kale Wasiirka dhallinyarada iyo  Ciyaaraha  Md.  Cabdi Siciid Faahiye hadaladiisiina waxa ka mid ahaa “Maanta dadka halkan ku sugan waa dhallinyaro oo dadka reer Somaliland ka ah 70% waanan ku faraxsanahay inaan Wasiir-kiinii ahay, waxa aan idinku dhiiri galinayaa inaad Dalkiina hurumarkiisa ka qayb qaadataan, in aynu isku duubaano oo aynu ka wada shaqayno ilaalinta Nabadeena.”

Waxa kale oo uu Wasiir Faahiye ka hadlay khatarta Tahriibku u leeyahay dhallinyarada waxa uu yidhi “ Walaalyaal waxa weeye inagu waxa aynu nahay Ummad Islaama  in qof muslin ahi is dilona waa Xaaraam, ILAAHAY-na ma ogola waan cadaabayaa ka is dila, markaas waxa weeye ina aanu qofku is dilin oo aanu booskuu ku jiro ku banayn Ehelkiisa iyo Qarankiisa, walaalayaal waxaan idinka codsanayaa inaydaan Tahriibin, oo aad dalkiina aamintaan, maantana waa maalin aynu dabaal dagayno oo halkan siyaasad kaga hali mayno.” Ayuu yidhi Wasiir Faahiye.

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadalay Gudoomiyaha Dallada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md. Axmed Cabdi Wacays hadaladiisiina waxa ka mid ahaa “ Ujeedada aanu carwadani u qabanay waxa weeye maadaama ay bulshada Somaliland 70% ay dhallinyaro yihiin in ay dhallinyaradaasi  hesho madal ay ku kulmaan oo ay isu dhaafsadaan xogahooda iyo afkaartooda taas oo ku qotonta himilada dhallinyarada reer Somaliland. Sharaf ayay noo tahay in aanu madal intan le’eg isugu keeno dhallinyaro badna oo reer Somaliland ah oo hanan kara masiirka dalkooda laguna aamini karo. Waa kuwo wax bartay, u heellan in ay somaliland u shaqeeyaan qayrkiina dhaafiyaan.”

Waxa kale oo uu Gudoomiyaha SONYO intaasi ku daray “Waxa inta ay carwadani socoto lagu soo bandhigi doonaa Majaaajilooyin ama ruwaayado, Heeso waddaniya, Gabayo, maansooyin iyo ugu dambaynta oo aanu fursadan idiin siin doono inaad talooyin ka bixisaan kulanada noocan oo kale ah .” Ayuu yidhi Md.Wacays.

Dhinaca kale waxa isagu madashan hadalo kooban ka soo jeediyay ku xigeenka waaxda  suuq geynta iyo xidhiidhka dadweynaha shirkadda TELESOM Md. Cali Maxamed Saalax (Cajab) oo hadalo qiimo leh dhallinyarada kula dardaarmay. Sarkaalkani waxa uu sheegay in dhallinyaradu tahay hantida ay ummadi ku faanto sidaa darteed ay khasab tahay in lagu dadaalo sidii wax loola qaban lahaa. Isaga oo dhallinyarada kula dardaarmay in ay aqoontooda kor u qaadaan, dalkooda u shaqeeyaan kuna dadaalaan sidii ay wax u qabsan lahaayeen.    

Guda galkii carwada waxa si habsami leh loo qaadaa dhigay geeddi socodkii barnaamijka oo isgu jiray aqoon korodhsi, doodo, warbixino ay soo jeediyeen qaybo badan oo dhallinyarada ka mid ah sida ardayda somaliland ee wax ka barata jaamacadaha dibadda, suugaan iyo heeso waddani ah. Waxa dhallinyarada madadaalineyey kooxda qalaamo-rogadka ee Havoyoco, kooxda hiddaha iyo dhaqanka ee SOCSA Group, fanaanka Nuur Daalacay, kooxda Geeddiga Nabadda iyo suugaanyahano kale. Carwadan ayaa noqotay mid si gaar ah u soo jiidatay dhallinyaradii madasha nasiibka u heshey iyo kumanaan kale oo warbaahinta kala socday waxaanay noqotay mid ku dhammaatay si xiiso leh.  

 

giriyaadnews

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: