• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Gabay: Tolnimo Waa Dugsiye Yaan La Isu Keen Dirin. By: Jamaludiin A Jibriil


undefined

Marka hore waxaan halkan ka salaamaya bahda giriyaadnews ee sida hagar la’aanta ah ee hawlkarnimada leh ugu adeegta bulshada somaaliyed soona gudbisa aragtiyadooda.
sida aan ka wada dharagsanahay waxaa baryahan dambe ka taagan goboloda Awdal/Selel arintan ku saabsan Ugaaska ee aadka u basar xumatay ee runtiina noqotay wax laga diiqadodo oo ninkii damiir leh inaba aanu arki karin, taas ayaa igu kaliftay inaan halkan maanso yar oo gaaban oon ku baraarujinayo dadkaygan iyaga uun la isu soo jeediyay ee cadawgu ku wiirsanayo.

Dabuub gabay waataan ka tagey
Baryahan dihashadiisiiye
Dibnahaygaba umaan furin
Waa fog dabadeede
Inkastoon doonahayn hadana
Waxuunbaa igu dirqinaye
Aan u dildilaacsho
Sidii waqal daruureede
Oon Doodyar ka iraahdo
waxan dadkaygii ku dhacaye
Daandaansi kolay aadame
Waa loogu dawgalaye
Dadkii waxaa ku dhacay
Dakharo waaweyne
Dockastaba waxyeela jirta
Dagalkii Samaroone
Daacadnimo dhimatayoo
Xumaan lagu doorsaye
Wataas la isu diray ee
Cadawgu daawanayee
Daris iyo shisheeyaba dhaman
Loo wada damaaciye
Darifyadana laga soo galyo
Ninba ood ku dayrshe
Dab aan kulaylkiis la arag ilayn
Dambaskii lagama leexdo ee
Hadaan moosku soo dumin
Marna daad ma soo galeene
Dudadaan adkayn cadawgu
waa soo dar jiiraaye
Aqalkaan daahyo lagu xirin
Dabayshu soo gali oge
Demminimada wwaa shay u gaaro
Doqonta lagu yaqaane
Waa duruus aduunyadu
Khibrad looga dab qaataye
Nabaduna waa dannoo
Aadamuhu ku diirsado e
Tolnimaduna waa dugsiye
Yaan la isu keen dirin.

Wabilahu Tawfiiq, Ilaahay dhamaanteen walaalayal xaqa ha ina garansiiyo iyo tubta toosan amiin amiiin amiiin.

wa qalinkii
Jamaludin A. Jibril
garaad_86@hotmail.com

giriyaadnews.com

 

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: