• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Shirjaraa’id oo goor dhaweyd ay qabteen Xildhibaanada labada gole kaga jira xukuumadda beelaha Maxamad case iyo Habarcafaan oo dawladda uga digay in arrinta ugaaska la siyaasadeeyo, wixii dhibaato ka timaadana dhabarka u saaray nimanka doonaya inay ugaaska keenaan dalka


undefinedHargeysa – (giriyaadnews) – shirjaraa’id oo mar dhawyd ay ku qabteen magaalada Hargaysa xidhibaanada dawladda kaga jira beelaha Habarcafaan iyo Maxamadcase  ayaa  waxay ku sheegeen in anay dawladda Soamaliland iyo Xisbiga kulmiye toona anay xaq u lahayn inay Ugaas u dooraan beelaha samaroon, waxanay xukumadda uga digeen in arrinta ugaaska la siyaasadeeyo.

sidoo kale waxay sheegeen in beesha makaahiil sida wax ay u wadaan ay tahay: “an is-dilno.” waxanay ka digeen maadaama bulshada reer Awdal ay arrintaa ku kala qaybsantahay majority guna ay diidanyihiin wixii dhibaato ah ee arrintaa ka yimaada inay masuul ka noqon doonaan cidda ugaaska dabada ka soo riixaysaa.

shirkan jaraa’id oo dabasocday warar webiste yada lagu soo qoray kuwaas oo sheegaya in xildhibaanada Makaahiil ee xukuumadda kaga jirta labada gole anu horkacayey cabdiraxmaan aw Cali ay Madaxweyne Siilaanyo ay kala hadleen arrinta ugaaska una sheegeen in arrinta ugaaska samaroon u wada dhanyahay. arrintaas oo been cad ah oo cabdillaahi dheere iyo xidhibaanada kaleba ay beeniyeen. waxana kale oo ay ka codsadeen beelaha somaliland in arrinta anay daawan, balse ay soo farogliyaan oo dadka ay kala dhexgalaan arrinta ku saabsan ugaaska. waxanay inay intaa ku dareen in reer Awdal meel kasta oo shaqaaqo ka dhacdo dalku siduu u dhanyahay ay u gurmadaan xasilloonida iyo nabadgelyada  dalkana waxa walba ay kahorreysiiyaan.

waxa kale oo la sheegaya in beesha makaahiil ay ku soo wadaan ugaaska magaalda Borama iyagoo ku sheegaya inu yahay ugaaskii samaroon, halka dhinaca kale ee ka soo horjeedaana isu diyaarinayaan sidii arrintaa looga hortegi lahaa iyagoo ku eedeeyey beesha makaahil inay wadaan qas iyo qalalaase wanaagna aanay dooneyeyn samaroon ku midoobo.

dhanka kale, wararka naga soo gaadhay magaalada Borama ayaa sheegaya inay jiraan dhaqdhaqaaqyo farabadan oo laga dareemayo labada dhinac ee is haya waxana la sheegayaa in wadnaha farta lagu hayo. waxa kaloo jira ciidammo aad u farobadan oo iyaguna dhex gaafwareegaya suuqyada iyo magaalada gudaheega. 

Wariye: Siciid Biixi   giriyaadnews

Hargeysa Somaliland


Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: