• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Suldaanka Beesha Bahabar Cabdale (Makaahiil/Samaroon) Oo Cadeeyey Inayna Ogolayn Ugaas Cid Gaar Ahi Wadato


Boorama-(giriyaadnews)-Suldaanka  Beesha Bahabar-Cabadalo oo kamid ah beelaha Makaa,iil Suldaan Maxamed Cismaan Dirir (Naaji), oo kahadlayay arrimaha Ugaaska ayaa sheegay in loo baahan yahay in Ugaaska lagu doorto arrin dhaqan,
oo Gadabuursi u dhan yahay islamarkaana waafaqsan xeerarka dhaqanka, waxaanu sheegay in la dooran, Ugaaska Samaroon iyadoo, ay  sadex dhadhaar ee beelaha Samaroon u dhan yihiin .

“Waxaan hore loo arag ayaa yimid maanta taasi oo ah koox dano gaar ah leh oo mu,aamaraad wada ayaa Ugaas la sheegayo doonaya in ay keenaan, oo waliba tahdiid iyo qasab ku maroorsanaya taladii lawada lahaa, arintaasina ma,aha wax haboon beesha aan anigu Suldaanka u ahayna waanu kasoo horjeednaa Ugaaska ay wadaan kooxda yare ee Gaarka ah, Waxay doonayaan inay isku kaaya dhuftaan, ummaduna ma ogola taasi” Ayuu yidhi Suldaanku.

Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa in kooxda Ugaaska wadaa ay diidan yihiin in laga wada tashado Ugaaska oo, isku duubni lagu caleemo saaro, waxaanu ku soo koobay hadalkiisa in la raaco sidii dhaqanku awal hore ahaa oo loo dhamaado dixdii lagu yaqaanayna lagu soo dhiso.

Si kastaba ha ahaatee, Magaalada Boorame, waxa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyada isku lidka ah ee ku wajahan soo dhaweynta, iyo diidmada Ugaaska lagu sheegay in uu hogaamiye dhaqameed yahay beelaha Gobolka Awdal gaar ahaan, beelaha Samaroon oo magaciisu yahay Ugaas C/rashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi, inkastoo ay jiraan dhinacyo aan iyaguna wali daboolka ka qaadin mowqifkooda ku aadan Ugaaska haseyeshee, aaminsan in ay la socdaan xubno kamid ah ragii ku dhawaaqay Awdal State, oo ay sababtaa ku diidan yihiin balse, waxa la eegi doonaa maalmaha soo socda iyo sida Ugaas C/rashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi loogu soo dhaweeyo Magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal.

giriyaadnews boorama somaliland

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: