• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Sydney: Aqoonyahan Cusub Oo Ku Dhawaaqay Inuu Yahay Ugaaska Beelaha Samaroon Kuna Sii Jeeda Borama


Damaciisu waxa uu ku soo beegmayaa xilli timirtii horeba loo dablaayahay”

Sydney-(giriyaadnews)- Warar aan rasmi ahayn ayaa sheegaya in uu deegaannada Gadabuursiga ku sii jeedo  aqoon yahan ugaasnimo sheegtay oo la filayo inuu dhawaan ka anbabixi doona dalka Australia, si uu ugaasnimadiisa ugaga dhawaaqo deegaannada beelaha Samaroon ee geeska Africa.

Aqoonyahankan oo todobaadkan gudihiisii laga warhelay damaciisa ugaasnimada ayaa waxa la sheegayaa in uu rabitaankiisa ku salaynayo mudnaansho uu u cuskanayo curadnimo.

Sida ay warar xog-ogaal ahi sheegayaan aqoonyahankani waxa uu abtirsiin ahaan ka soo jeedaa beesha Reer Ciise (Habar-Cafaan),  waxa aanu warkiisu soo baxayaa xilli magaalada Borama xiisad ba`ani ka taagantahay la iskuna maandhaafsanyahay Prof. C/Rashiid Ugaas Doodi oo dhowr biloodba ku sugan magaalada Jigjiga ee dalka Ethiopia, lagana cabsiqabo inuu dib ugu laabto dalka Canada kadib markii la isku diiday ugaasnimadiisa. C/Rashiid waxa  uu deganaa dalka Canada muddo ku dhaw 30 sannadood.

Si kastaba ha ahaatee Aqoonyahanka  kale  ee aan wali la caddayn magiciisa oo la filayo  inuu dhowr bilood kadib ka degi doono magaalada Hargaysa ee  xarunta Somali Land  ayaa waxa uu damaciisu ku soo beegmayaa xilli timirtii horeba loo dablaayahay, oo uu Prof. Cabdi Rashiid-ba yaabbanyahay, lamana garan karo sida ay wax ugu hirgeli doonaan, iyo inay ugaasyo kale oo qurbajoog ahi ka soo daba bixi doonaan iyo inkale.

by giriyaadnews   xigasho lughayanews

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: