• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Dufcaddii Ugu Horeysay Oo Maanta Ka Qalinjabisay Jaamacadda EELO Ee Magaalada Boorama


Boorama-(giriyaadnews)-Qalanjabintii ugu horaysay ee Jaamacadda Eelo ee Magaalada Boorama ayaa maanta ka dhacday hotel Rays ee Magaalada Boorama, qalinjabintan oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxana ka qayb galay
Wasiirada Wasaardaha Duulista iyo Hawada, Dib u Dajinta, Ganacsiga, Wasiir ku xigeenka Waxbarashada, Maarayayaal, Xilibaano, Salaadiin Waxgarad ka socday hayadaha Bulshada, Waalidiin iyo ardayda qalinjabinaysay.

Ugu horayntii ayaa madashan waxa ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacadda Eelo Dr. Maxamuud Xuseen Cige waxana uu sheegay in maanta ay qalinjabinayaan 151 arday oo ka kala baxaya kuliyadaha kala ah Engineering-ka, Maamulka iyo Maaraynta, Culuunta Kumbiyuutarka, iyo dibloomooyin  kala gaar gaar ah,  isaga oo ka hadlaya Gudoomiyuhu hawlaha u qabsoomay jaamacada intii ay jirtay waxa uu yidhi ” tan iyo 2007 oo jaamacada La’aasaasay dufcadani waa tii ugu horaysay ee ka qalinjabisay waxana noo farxad ah in ay ku jiraan tirada gabdhahii ugu badnaa ee dalka ka baxa oo aan  ku qiyaasnay 35% waana noo farxad, waa arday tayo badan oo safiiro u noqonaya jaamacada, waxana aan ku kalsoonahay inay wax badan ka tari doonaan baahida ay bulshadu u qabto culuunta ay soo barteen.

Mar uu ka waramayay waxa u qabsoomay iyo waxa u qorshaysan Jaamacadda Eelo ayaa waxa uu yidhi “Waxa noo qabsoomay waxa marag ka ah dufcadan 1-aad ee maanta qalinjabinaysa, waxana noo qorshaysan in aan xarun u dhisno jaamacada anaga oo ka codsanayna xukuumada inay gacan naga siiso, waxa kale oo noo qorshaysan inaan kuliyada waxbarashada oo baahi loo qabo ku soo darno Jaamacada hadii alle idmo bisha September ee fooda nagu soo haysa.waxa kale oo noo qorshaysan inaan Deploma dhinaca beeraha ah iyo kuwo kale oo dhinaca luqadaha ah soo kordhino si aan kaalinta Eelo kaga aadan waxbarashada Bulshada u kaabno.

Gudoomiye Dr. Maxamuud Xuseen waxa uu la hadlay ardayda qalinjabisay waxana uu yidhi ” Maanta laga bilaabo waxa aad hesheen wax walba oo xuquuq ah oo uu leeyahay degreeyada iyo dibloomooyinka aad maanta mutaysateen, qaran iyo qabiil kala saara ogaadana inaad tihiin safiiro jaamacadu ay leedahay”.

Wasiirku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada Mud. Cali Xaamud Jibriil ayaa isaguna ka hadlay munaasabadaasi waxana uu aad ugu mahadnaqay ardayda qalinjabisay iyo waalidiintii tacabka ku bixisay iyo waliba macalimiintii wax bartay waxaana uu sidoo kale sheegay in xukuumadu ay wado qorshayaal badan oo dhinaca waxbarashada lagu tayaynayo kuwaasi oo ay ugu talo galeen inay tayada waxbarashada ka dhigto mid aad u wanaagsan.

Wasiirka Wasarada Duulista iyo Hawada Mud. Maxamuud Xaashi oo isaguna ka hadlay munaasabadaasi ayaa qalinjabiyayaasha soo gaadhsiiyay tahniyada uu uga wado Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland waxana uu Shahaadooyin gudoonsiiyay ardayda maanta qalinjabisay.

Munaasabadan oo kaga duwanayd munaasabadaha kale ee qalinjabinada iyada oo ay ka qalinjabinayeen dufcadii ugu horaysay ee wiilal iyo gabdho ah oo wax ka bartay Kuliyada Engineering-ka ayaa waxa uu halkaasi ay hayada dhismahawadooyinka gobolada Awdal/Salal ee ASARDA ku dhawaaqday inay shaqaalaysiisay 2 gabdhood oo ka mid ah qalinjabiyayaasha maanta. giriyaadnews jamacada eelo boorama

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: