• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Xildhibaano ka soo Jeeda G/Awdal/Salal oo Qaadacay Caleemo Saarka ugaaska Samaroon, Digniin iyo Eeddo culusna u soo Jeediyay Hogaanka Xisbiga Kulmiye


Madaxda X/Kulmiye (Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin) Gadabuursiga Ugaasyada uma sameeyaan, hadii ay saaxiibkood arkeena waxay ahayd inay Madaxweyne ku-xigeenkana waraystaan” C/lahi Dheere

 

Hargeysa-(giriyaadnews)-Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Guurtida iyo Wakiiladda Somaliland oo ka soo jeeda Gobolka Awdal ayaa si adag uga soo horjeestay Caleemo saarka Ugaaska cusub ee Beesha Samroon, kaasoo ay sheegeen inaan Caleemo saarkiisa laysku waafaqsanayn.

Xildhibaanadan oo ka soo jeeda Beelaha Maxamed-Case iyo habar Carfaan ee Beesha Samaroon, waxa ay sidoo kale ka digeen Xiisad Nabad-gelyo daro iyo gacan ka hadal ay sheegeen inay ka dhalan karto Ugaaskan cusub ee Caleemo saarkiisa Gobolka laga Abaabulayo, kaasoo ay sheegeen inay wadato Beel kaliya oo ka mid ah Beelaha Samaroon.

Sidaasi waxa ay ku sheegeen Shir-jaraa’id oo shalay galabnimadii ay ku qabteen Magaalada Hargeysa, kaasoo ay Sidoo kale ku weerareen Hogaanka Xisbiga Kulmiye oo ay ku eedeeyeen inuu arintan qas iyo Siyaasad geliyey, ugana digayaan inay arintaasi ugaaska Faraha kala baxaan oo aanay iska horkeenin Siyaasiyiinta Gobolkaasi ka soo jeeda iyo Bulshada.

Xildhibaan Xareed Aw Axmed oo ka mida Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ee Gobolka Awdal oo shirkaasi Jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay, in laga been abuuray Xildhibaanada Golayaasha Baarlamanka kaga jira Gobolka Awdal oo la sheegay inay Madaxweynaha dhawaan kala hadleen khilaafka ka dhashay Caleemo saarka Ugaaska lagu muransanyahay, waxaanu cadeeyay in aanay arintaasi waxba ka jirin.

“Maalin dhaweyd waxaa jaraa’idka lagu qoray in Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka awdal iyo Madaxweynuhu kulmeen, markaa Anigu waxaan sheegayaa inaanay arintaasi jirin, hadii madaxweynaha cidi la kulantayna aanan u dhamayn, waxa kale oo aan leeyahay Hogaamiye Dhaqan oo loo wada dhanyahay ayaa loo baahan yahay ee aan ka wada tashano iyo maya ayaa laysku hayaa, markaa waxaan soo jeedinayaa arinkan inay siyaasiyiintu ka baxaan oo dhaqanka loo daayo, dhaqankuna Xeer iyo is afgarad ku dhameeyaan waxa laysku hayo” ayuu yidhi Xildhibaan Xareed.

Isagoo hadakiisa sii wata waxa uu yidhi “Dawlada waxaan leeyahay hadii cidi isqabato waa la dhexgalaa oo waxa la yidhaa maxaa laysku hayaaye, yaanay degdegin oo dhinac raacin, waayo waxa la yidhi balaayo daaman la qabto ayay leedahaye dabo la qabto malaha”

Xog-hayaha Guud ee Golaha Guurtida C/lahi Dheere oo ka mid ahaa xubnihii shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa ka waramay qaabkii lagu dooran jiray Ugaaska iyo sababta ay ku diidan yihiin kan cusub ee hada sharaxan, isagoo dhinaca kale eedayn culus iyo digniin u soo jeediyay Hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye.

Waxaanu yidhi “Taariikh ahaan Gadabuursi saddex Maamul ayay kala raaceen wakhtigii isticmaarka, Ugaaskii berigaa jiray waxa uu raacay itoobiya oo Jinacsanay ayaa saldhig looga dhigay, ka dib Ugaaskii wuu dhintay, ka dibna waxa la doortay Inankiisii oo Rooble la odhan jiray, kaasoo ugu dambeeyay Ugaas Beesha Samaroon Doorato, isagana waxa Inqilaabay Inankiisii oo Doodi la odhan jiray, kaasoo markii dambe Suldaan laga dhigay, oo Itoobiya fadhiyay, hadana 1957 ayay Dawladii Ingiriisku tidhi Ugaas soo samaysta, ka dibna waa laysku waafaqi waayay muddo ka dib dhibaato badanbaana ka dhacday, ilaa markii dambe taarkan lagu joojinayo laga soo saaray laga soo saaray, Inankan iminka la wadaana Doorasho umaba Baahna oo waxa Heshiis Itoobiya la galay awoowgii oo berigaasi u wareegay”.

Hada iyadoo ay sidaasi tahay, iminka waxa nalagu celiyay 1957 wixii dhacay iyo dhibaatadii arintan ka dhalatay, ragbaa isu diyaarinaya inay soo dhaweeyaan ugaaska, rag kalena waxay isu diyaarinayaan inay ka hortaagaan, waayo waxay leeyihiin hadii aad soo dhaweynaysaan magaciina ku soo dhaweysta ileen Magaaladu waa garoon inaga dhexeeya oo maalinba ninkii doonaa ku ciyaaro laakiin magaciina ku soo dhaweysta, hadaad doonaysaan inaynu soo wada dhaweynana arinka Dhulka inoo dhiga oo aan ka wada tashanee, maya waan soo dhaweynayaa adiguna waad ila soo dhaweynaysaa hadii kale waan ku jiidhayaa ayaa ka socota meesha, waxaanan leenahay arintaas Xeer halaga samaysto ilaa inta meel laysla dhigayana hala joojiyo waxan socda, inankuna hanoo joogo dee meel inaga tegi maayee”.

Waxa uu sidoo kale Hogaanka Xisbiga Kulmiye ku eedeeyay inay faraha kala baxaan khilaafkan ka dhex aloosan Beeshooda, hadii aanay si dhexdhexaadnimo ah oo ladqabo ah u gelayn, waxaanu yidhi “Waxaan u sheegayaa qolyahan Kulmiye horta Odayaal waaweyn ayaad tihiin, hadii aad arinta dhexdhexaadin ka gelaysaan waxa qurux badnayd inaad labada dhinacba aragtaan, laakiin saaxiibkiin Samaroon ma metelo, Kabo shaaglahana cidi ma kaxayn karto oo dalka ayay wax ku leeyihiin, kii shalay Madaxweynaha ahaana sharcibuu Madaxweyne ku ahaa, kan maanta joogaana sharcibuu ku yahay, marba kii jooga in la taageerona dantayada ayaa ku jirta iyo danta Somaliland, kolkaa waxaan leeyahay Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin waxay ahayd inay Madaxweyne ku-xigeenkana waraysataan, oo ay isu geeyaan labada ninba, waayo waxa weeyaan hadii Nin kuu waramo ka kalena waa inaad waraysataa, markaasaad arinta gunteeda helaysaaye, laakiin Saaxiibkay ayaan la duumay aad iyo aad ayaanu uga Xumaanay, markaa waxaanu leenahay Madaxda Xisbiga Kulmiye Gadabuursi Ugaasyada uma sameeyaan ee hanala xushmeeyo”

(giriyaadnews.com)  Xildhibaan Mahdi oo ka tirsan Golaha Wakiiladda ayaa isna si adag u qaadacay caleemo saarka Ugaaskan, isagoo ku dooday inaanay Beesha Gobolka talo ka yeelan Caleemo saarkiisa Ugaaskan, hase yeeshee beel kaliya oo ka mid ah qabaa’ilka beesha Samaroon ay wataan kaligood “Hadii Beesha samaroon Ugaas samaysanayso mid loo dhex yahay ha noqdo, laakiin anaga Ugaaska laga soo wado Itoobiya dani nooguma jirto, waxaanan leeyahay walaaleheena Masaakiinta ah yaan khilaaf laga dhex abuurin ee halaga shaqeeyo Danta umadda, arinkana waa arin dhaqan ee waa in Xeerkeedii la sameeyaa”

Xildhibaan Diini C/lahi oo ka tirsan Golaha guurtida ayaa isna dhiniciisa yidhi ” horta waxaan leeyahay Xildhibaanada Beesha Samaroon Maxamed Kaahin iyo Muuse biixi maaha, ileen madaxweynaha waxa u tagay labadoodaa iyo laba Nin oo kale, arintan kale ee lagu muransanyahayna waxaan leeyahay Ugaaska Samaroon iyadoo beesha oo dhami garbaha wada hayso ayaa la caleemo saari jiray, laakiin Ugaas tunka lagu sido annagu kuma jirno, waayo Ugaas reer wataa ugaas noqon maayo”.

 giriyaadnews

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: