Boorama-(giriyaadnes)-Sida uu u xaqiijiyay shabakada wararka ee Lughayanews taliyaha saldhiga dhexe ee Boorama Maxamuud Yuusuf Cige Raran waxa ay ciidamada boolisku gacanta ku dhigeen nin ku hubaysan qori habeenimadii xalay. ninkan oo ay ciidamadu ka qabteen guri ku yaala magaalada Boorama ayaan la garanayn sabab ta keentay inuu xiligan haneenimada ah qoriga qaato.
Taliyuhu waxa kale oo uu intaas ku daray in ay ciidamadu baadhis hayaan isla markaana aanu ka hordhici karin natiijooyinka ka soo baxaya baadhista.
Si kastaba ha ahaatee ninkan hubka lagu qabtay ayaa waxa ay ku soo beegtmaysaa waqti habeenimadii xalay ay magaalada Boorama ka oognayd xiisad dhinaca amniga ah oo ka dhalatay murano sii xoogaystay oo dhinaca dhaqanka ah isla markaana ay ciidamada Booliska ee Boorama qaadeen talaabooyin ay ku adkaynayaan dhinaca amniga.
Wariye:-
Abokor Xasan Caaf giriyaadnews boorama
Filed under: Uncategorized |
U dhaaf Halcelis