• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Khilaafkii Ugaasnimada Oo La Xalliyay Iyo C/rashiid Doodi Oo Loo Aqoonsaday Ugaaska Beesha Makaahiil


cabdirashiid-doodi.jpg

Boorama-(giriyaadnews)-Iyada oo ay wali socoto qabanqaabada Shirkii Jaraa’id ee ay masuuliyiinta xukuumadu qabanaysay ayaa waxa soo baxaya warar hordhac ah oo ay warbaahintu ka helayso ilo ka ag dhow dhaqanka kuwaasi oo tilmaamaya in is af garad laga agaadhay xiisadii Ugaaska.

Ilaahaas dhaqanka ee ay giriyaadnews wararka ka heshay oo ah kuwo lagu kalsoon yahay ayaa waxa ay u sheegeen in murankii jiray lagu soo afjaro in soo dhawaynta Ugaasku ay qabsoonto iyada oo uu Cabdi Rashiid yahay UGAAS u gaar ah beesha Makaahiil ee uu ka dhashay.

Waxa kale oo ay wararku intaas ku darayaan in ay odayaasha dhaqanka ee beelaha Gadabuursi u furan tahay in ay mustaqbalka ka wada hadli karaan inay yeeshaan hogaan mideeya iyo inkale.

Wararkan hordhaca ah ayaa soo baxaya iyada oo aanay wali qabsoomin shirkii jaraa’id ee xukuumadu qabanaysay kaasi oo ay ku faahfaahin doonaan wixii dheeraad ah ee ay xambaarsan yihiin qodobada lagu heshiiyay.

giriyaadnews boorama

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: